Xanta Suuqa: Real Madrid Iyo Cristiano Ronaldo Oo Isku Af Gartay Heshiis Cusub Ay Kala Saxiixdaan

by Abdirahman Qoslaaye | Wednesday, Oct 19, 2016

Real Madrid ayaa wada olalaha ay qandaraasyada ugu kordhineyso xidigaheeda muhiimka ah waxayna qarka u saaran yihiin iney ku dhawaaqaan heshiis cusub oo ay ka saxiixaan hogaamiyahooda Cristiano Ronaldo.

Luka Modric ayaa shalay ogolaaday inuu heshiiska u dheereeyo kooxda ka dhisan caasimada Madrid halka Cristiano uu isna maanta ogolaaday sida lagu daabacay majalada uu leeyahay madaxweynaha kooxdaasi ee Ok Dario.

Majalada Madrid kasoo baxda ayaa sheegeysa in kabtanka Portugal uu saxiixi doono heshiis shan sano oo cusub kooxda ku sii heynaya wuxuuna wali sii ahaan doonaa xidiga ugu mushaarka badan kooxda.

ronaldo

Toni Kroos ayaa h--e u saixixay heshiis ku sii heynaya Real ilaa sanada 2022 halka Modric uu shalay ogolaaday heshiiskaan waxaana la filayaa in Ronaldo uu noqdo qofka xiga.

Like it? Share it!

Leave A Response