Xabi Alonso Oo Ka Dhawaajiyay Sadex Fashil Oo Uu Ka Qoomameeyo Waayahiisa Kubadda Cagta – Koobka Premier League-ga Ayaa Ka Mid Ah.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, May 18, 2017

Halyeyga sii hawlgabaya ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka dhawaajiyay inuusan wax badan ka qoomameyn waayahiisa kubadda cagta, balse ay jiraan inuu aad u xasuusto sadex guul oo uu ku dhawaaday balse uu ku fashilmay.

35-jirkaan reer Spain ayaa kabaha kubadda cagta siibi doona isbuuca dhawaan waana marka uu soo dhamaado xilli ciyaareedka kooxda Bayern Munich, balse maalmahiisii hore ayuu dib u xasuustay inkastoo uu ku guuleystay koobka Aduunka, koobka qaramada yurub, Champions League iyo horyaalada La Liga iyo Bundesliga.

Wali Xabi Alonso kuma guuleysan horyaalka Premier League inkastoo uu qarka u fuulay inuu la hanto Liverpool xilli ciyaareedkii 2008/2009 markaas oo ay ku lumiyeen gacmaha Manchester United.

“Laga yaabee inaan sadex arrimood ka qoomameeyo” ayuu yiri Alonso oo la hadlayay Times.

“Markii aan ka tirsanaa Real Sociedad waxaan hal kulan u jirsanay inaan ku guuleysano La Liga 2002-2003, waqtigii Liverpool aad ayaan ugu dhawaanay Premier League 2008/2009, halka Bayern aan kula dhawaaday Champions League”

Si kataba Xabi Alonso ayaa qiray in dhacdooyinkaas ay yahiin wax ku saabsan kubadda cagta isla markaana mararka qaar uusan jecleen in wax laga weydiiyo balse uu isku qanciyo mar walba inuu koobab badan ku guuleystay.

“Markaan dib u milicsado waqtiga, aad baan ugu farxaa inaan hantay wixii aan doonayay”

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments