XAASAASI: Miyaa La Sii Go’aamiyay Natiijadii Kulankii PSG 6-1 Red Star Belgrad Ee Champions League? Baadhitaan Xaasaasi Ah Oo La Bilaabay.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa guul wayn oo 6-1 ah ka gaadhay Red Star Belgrade kulankii labaad ee UEFA Champions league ee caasimada Paris ka dhacay laakiin waxaa yimid shaki ah in natiijada kulankan la sii go’aamiyay iyada oo baadhitaan xaasaasi ah lagu bilaabay.

Paris Saint-Germain ayaa guuldaro kala soo laabtay Liverpool kulankii kowaad ee heerka Groupyada UEFA Champions league laakiin waxay xasuuq wayn u gaysatay kooxda Red Star Belgrade waxaana soo baxay shaki ah in la sii go’aamiyay natiijada kulankan.

Waxaa layaab noqotay in kooxda Red Star Belgrade oo hore barbaro gool la’aan ah ula soo gashay kooxda Napoli in ay xasuuq sidan u wayn kala kulantay kooxda tababare Thomas Tuchel ee Paris Saint-Germain waxayna UEFA digniin u dirtay xidhiidhka kubbada cagta France si ay xaalada u baadhaan.

Bandhigii ciyaartoyda kooxda Red Star Belgrade ee kulankii PSG ayaa noqday mid shaki xoogan keenay waxaana laga cabsi qabaa in lacag la siiyay si ayna u ciyaarin qaabkooda ugu xoogan taas oo haddii ay cadaato halis wayn ku keeni kata kooxaha PSG iyo Red Star Belgrade.

Wargayska L’Equipe ayaa shaaca ka qaaday in xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA uu war galin u diray xidhiidhka kubbada cagta France si ay baadhitaan ugu sameeyaan kulankii PSG iyo Red Star Belgrade iyada oo ay soo baxday shakiga laga qabo in natiijada kulanka la sii go’aamiyay.

Waxaa shakiga sii xoojiyay markii uu sarkaal sare oo kooxda Red Star Belgrade ahi uu sharadka khamaarka ku galay in kooxda PSG ay guul ku gaadhayso shan gool taas oo la micno ah in uu ku guulaystay lacag ku dhaw shan milyan oo euros.

Haddii ay cadaato in Red Star Belgrade ay sabab u ahayd natiijada kulankan waxay la kulmi kartaa in gabi ahaanba laga ganaaxo tartamada Yurub oo dhan halka ay waqti badan waayi karto tartamada Yurub iyada oo haddii ay PSG ku lug yeelato ay xaaladu sii xumaan doonto waxaana socda baadhitaanka.