Wixii Uu Alex Iwobi Ku Sameeyay Javier Mascherano Ka Hor Goolkiisii Labaad Ee Xalayto Oo Si Weyn Looga Hadalhayo Twitter

by Saed Balaleti | Wednesday, Nov 15, 2017

Xulka Nigeria ayaa guul weyn ka gaaray Argentina kulankii saaxiintinimo ee xalayto iyagoo ka soo kabsaday labo gool oo lagu lahaa islamarkaana ku bedelay afar gool, xiddiga kooxda Arsenal Alex Iwobi ayaana dhaliyay labo gool oo ka mid ah.

Ever Banega iyo Sergio Aguero ayaa hogaanka u dhiibay Argentina ka hor inta uusan Kelechi Iheancho dhalinin laad xor oo cajiib ah iyadoo Alex Iwobi uu barbareeyay ciyaarta ka hor inta uusan Brian Oduwu hogaanka u dhiibin Nigeria.

Daqiiqadii 73aad Iwobi ayaa helay goolkiisii labaad ee ciyaarta isagoo xaqiijiyay inay Nigeria ay si raaxo leh ku badiso 4-2.

Laakiin wixii uu Iwobi ku sameeyay daafaca Barcelona Javier Mascherano ka hor inta uusan dhalinin goolkii afaraad ee Nigeria ayay cid walba ka hadleysaa.

Markii uu baas qurux badan helay islamarkaana uu isku diyaariyay inuu dhanka goolka abaaro waxa uu kubada ka dhex bixiyay lugaha Mascherano isagoo si fudud uga tagay taasoo keentay in Mascherano uu u muuqdo sidii qof aan meeshaba taagneyn.

Waxa ay u qaab ekeyd wixii uu Luis Suarez ku sameeyay David Luiz markii uu u ciyaarayay Paris Saint-Germain sannadii 2015.

Sida wacan ee uu kubada u qaatay Iwobi una ceebeeyay Mascherano ayaa keentay in Twitter si weyn looga hadlo iyadoo qaar badan ay u beer-jileeceen halka kuwa kale ay ku maadeysteen daafaca Argentina.

Amadinho Guacho oo ka shaqeeysa warbaahinta isboortiga ayaa soo qoray hashtag uu ugu magacdaray: “Haloo duceeyo Mascherano”, wuxuuna qoraal kale uu soo dhigay bogiisa Twitter uu ku soo qoray: “Waa in Iwobi uu warqad u diro qoyska Mascherano.”

Joornaaliistaha kale ee kubada cagta Deji Faremi ayaa isna soo qoray: “Waa ku kaas! Iwobi oo ilbiriqsi gudaheed 0 ilaa 100 tagay, waxaana uu burburiyay Mascherano. Gool aad u fiican!”

Emerick oo taageere Barcelona ah ayaa isna soo qoray: “Uma maleynayo inaan doonayo in Mascherano-haan uu qeyb ka noqdo kooxdeyda Barcelona mar kale.”

Naz ayaa isna yiri: “LOOOL Iwobi waxa uu Mascherano dib ugu celiyay West Ham.”

HH oo Nigeria u dhashay islamarkaana taageerayay xulkiisa xalayto ayaa soo qoray: “War degdeg ah: Alex Iwobi oo Mascherano dib ugu celiyay caloosha hooyadiis.”

 

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments