Wenger Oo Iska Diiday Kante, Morata Oo Doonaya Chelsea & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Apr 20, 2017

Daafaca PSG Serge Aurier kaas oo 24-jir ah ayaa u sheegay Jose Mourinho inuu doonayo ka ciayarista garoonka Old Trafford. (L’Equipe)

Kooxda ku cusub horyaalka mareykanka ee Los Angeles FC ayaa ka dalban doonta Ibrahimovic oo 35-jir ah heshiis ku kacaya 5 Malyan oo Pound sanadii, sidoo kalana uu dooq u heysto inuu amaah ku aado Man United ama kooxaha kale ee yurub. (Daily Mail).

Real ayaa dooneysa iney rikoorka goolhayaha ugu qaalisan iyadoo 60 Malyan oo Pound miiska u saari doonta United si ay kaga hesho David De Gea. (The Sun)

Weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata kaas oo 24-jir ah ayaa ka careysan waqti la’aanta ku heysata Santiago waxaana lagu soo waramayaa iney xiiseyneyso Chelsea. (Diario Gol).

Chelsea ayaa ka cabsi qabta in weeraryahankooda reer Spain Diego Costa uu aado China madama loo soo bandhigay mushaar dhan 650,000 kun todobaadkii. (Mirror).

Tababare Arsene Wenger ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday fursad uu kula saxiixan karay N’Golo Kante oo 26-jir ah iyo Thomas Lemar oo 21-jir ah kuwaas oo uu ku wada heli karay 12.6 Malyan oo Pund laba sano ka hor. (The Sun).

 

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments