Weeraryahanka Chelsea Alvaro Morata Ayaa Ku Dhawaaqay In Isaga Iyo Xaaskiisa Alice Campello Ay Filanayaan Canugii Ugu Horeeyay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Dec 12, 2017

Weeraryahanka Chelsea Alvaro Morata ayaa shaaca ka qaaday inuu noqon doono aabe markii ugu horeysay kadib markii uu baraha bulshada ku shaaciyay isagoo dhunkanaya caloosha xaaskiisa isla markaana muujinaya inuu caloosha ku jiro canugoodii ugu horeeyay.

Weeraryahanka reer Spain noloshiisa Premier League kuma bilaaban si xun madama uu 9-gool dhaliyay 15-kiisii kulan ee ugu horeeyay inkastoo uu ka maqan yahay kooxdiisa kulanka ay caawa la ciyaari doonaan Huddersfield Town.

“Markii ugu horeysay oo aan arko anigoo ogsoon inaad hooyo u noqon doonto caruurteyda, waxaan hubaa inaad noqon doonto hooyada ugu macaan, ugu fiican uguna quruxda badan, mar dambe kuma jeclaan doono” Ayuu Alvaro Morata kusoo qoray bartiisa Instagram-ka.

“Waxaa tahay farxadeyda, ninka ugu fiican ee aan jeclaan lahaa, waxaad ii tahay magangalyo, waxaad ii tahay gurigeyga, farxadeyda, qoyskeyga. Waan hubaa inaad noqon doonto aabaha ugu fiican ee jira. Waan ku jeclahay” Ayey barteeda kusoo qoray iyana Campello.

Labadaan lamaane waxey is guursadeen bishii June ee lasoo dhaafay, waana ka hor inta uu lacago badan ku imaan London kuna soo biirin Chelsea.

 

1 Aragti ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Suldaan 12-12-2017 at 2:41 pm -

    Nabad iyo wiil caano anigaba sidokle wan rajayiinayaa ishallah my first baby my blood sidokle hooyo wangsan ku nastaay ba dhalidoonta