Wayne Rooney Oo Seegi Doona Kulanka Ay Manchester United U Safreyso Everton Todobaadka Soo Aadan

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Dec 1, 2016

Kabtanka Manchester United Wayne Rooney ayaa ku sigtay inuu waayo ishiisa kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray wajiga xilli ay kubad ku wada dagaalameen daafaca West Ham Winston Reid.

Rooney ayaa isku dayay inuu kubad madax ah ku tuuro goolka West Ham, balse daafaca reer New Zealand ayaa ka diiday kaas oo garaafo ka gaarsiiyay wajigiisa kulankii ay xalay United guusha weyn ka gaartay Hammers.

Si kastaba hogaamiyaha qaranka England ayaa hal gool u jira inuu barbareeyo Sir Bobby Charlton oo ah gooldhaliyaha ugu sareeya ee Manchester United kumana guuleysan inuu xalay gool dhaliyo.

roo

Dhanka kale Wayne Rooney ayaa xalay gudoomay jaalihiisii shanaad taasoo ka dhigan inuu seegi doono kulanka ay kooxdiisa u safreyso gobolka Merseyside si ay Goodison Park ugu booqato Everton kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Guushii ay United gaartay xalay waxey ka saaciday iney u gudubtay Semi Finalka koobka EFL Cup-ka waxeyna ku beegmeen Hull City halka Liverpool ay la ciyaari doonto Southampton.

Like it? Share it!

Leave A Response