Waxqabadkii Zlatan Ibrahimovic Ee Man United Oo Fure U Noqon Kara In Cristiano Ronaldo Uu Dib Ugu Soo Laabto Old Trafford – Sidee?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Monday, Jun 19, 2017

Warbaahinta Ingiriiska ayaa aaminsan in Manchester United ay kalsooni badan ka heshay Zlatan Ibrahimovic oo ay markii hore ka shaki qabeen waxqabadkiisa taasna waxey ku dhiirigalin kartaa iney si geesinimo leh ugu dhaqaaqaan soo xerogalinta Cristiano Ronaldo.

Kabtankii hore qaranka Sweden ayaa xagaagii hore si xor ah ku yimid garoonka Old Trafford, balse 28-gool ayuu dhaliyay 46-kulan oo uu saftay dhamaan tartamada oo dhan ka hor inta uusan jilibka dhaawac daran kasoo gaarin bishii April, Manchester Evening News ayaana aaminsan in maamulka United aysan haatan baqdin ka qabi doonin da’da uu jiro Cristiano Ronaldo.

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu dib ugu soo laabto garoonka Old Trafford sideed sano kadib, bale Ed Woodward ayaa aaminsan in 32-jirka reer Portugal uu sameyn karo wax ka weyn wixii uu sameeyay 35-jirka reer Sweden.

Sida warbixinta lagu qoray Ronaldo waxaa caawainaya inuu ka xawaare badan yahay, yahay shaqsi guusha u ooman sidoo kalana ah mid xilli hore kasoo xamaashay Premier League.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya mustaqbalka Cristiano Ronaldo iyadoo lasoo warinayo inuu la hadlay wakiilkiisa Jorge Mendes kuna amray inuu soo dhameeyo wax walba oo ku saabsan sidii uu dib ugu laaban Old Trafford.

Dhanka kale Jose Mourinho ayaa doonaya inuu xidigaan dib ula midoobo iyadoo United ay diyaar u tahay iney bixiso aduun dhan 183 Malyan oo Pound iyo adeegga goolhaye David De Gea, balse Real Madrid waxey ugu yaraan isku dayi doontaa sidii ay ku ceshan laheyd xidigeeda.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments