Waxaan Helay Shaqooyin Soo Jiidasho Leh Balse Monaco Markasta Qalbigayga Ayay U Dhawdahay – Halkan Kaga Boggo Hadaladii Ugu Horreeyay Ee Laga Qabto Tababaraha Cusub Ee Monaco Theirry Henry.

Halyeeygii hore ee kooxaha Arsenal iyo Barcelona ayaa maanta si rasmi ah loogu magacaabay tababaraha cusub ee kooxdii uu kasoo af-laxay ee AS Monaco isaga oo shaqada ka beddelaya tababarihii dhawaan xilkaas laga qaaday ee Leonardo Jardim.

Henry ayaa kaddib tartankii Koobka Aduunka iskaga tagay xulka Belgium oo uu tababare ku xigeen u ahaa waxaana tan iyo wakhtigaas lala xidhiidhinayay shaqooyin dhawr ah oo ay ugu horreeyaan kooxda Aston Villa iyo xulka qaranka Masar balse waxa uu ugu dambayn doortay Monaco.

 

Halyeey Henry ayaa kaddib magacaabistiisa tababarenimo waxa uu barta Twitterka ku baahiyay qoraal uu kaga warramayo shaqadiisan cusub iyo sida uu ugu faraxsan yahay waxaana uu sidoo kale xusay inuu helay shaqooyin badan oo soo jiidasho leh balse uu Monaco ka doortay.

Farriinta Theirry ayaa u taalay sidan “Waa sharaf weyn inaan aqbalay booska tababare ee Monaco, Nasiib ayaan ku lahaa inaan helay shaqooyin dhawr ah oo soo jiidasho leh helay bilihii ugu dambeeyay laakiin Monaco markasta waxay u dhawaan doontaa qalbigayga”

“Inaan kooxdan weyn ka bilaabay xirfadayda kubadda cagta waxay u muuqataa horumar badan inaan haatana isla halkan ka bilaabi doono xirfadeyda tababarenimo, Si weyn ayaan ugu faraxsanahay in lay siiyay fursadan, Laakiin haatan waxa waajib ah inay shaqada adagi bilaabanto, Ma sugi karo”

Henry ayaa kulankiisa ugu horreeya ee xirfadiisa tababarenimo ku bilaaban doona kulan ay sabtida dambe la yeelan doonaan kooxda Strasbourg waxaana ugu xigi doona kulan Champions League ah oo ay ku balansan yihiin kooxda ree Belgium ee Club Brugge.