Waxa Uu Ka Aaminsan Yahay Horyaalka Talyaaniga, In Uu Jeclaa Juventus Tan Iyo Caruurnimadiisa, Fariinta Uu U Diray Jamaahiirta & Dhowr Arimood Uu Ka Hadlay Cristiano Ronaldo.

Kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa wareysi uu ku bixiyay mid ka mid ah talefishanada dalka Talyaaniga wuxuu kaga warbixiyay sababta uu u yimid kooxda reer Talyaani ee Juventus, si uu u rumeeyo rajadiisa xili ciyaareedka cusub.

Hadalka Ronaldo ayaa wuxuu imaanayaa kadib markii uu wareysi ku bixiyay TV-ga Juventus, isaga oo carabka ku adkeeyay inuu xiiseenayay ka ciyaarista kooxda Bianconeri, tan iyo caruurnimadiisa, isla markaana uu si aad ah u ixtiraamo jamaahiirta kooxda reer Talyaani.

Cristiano Ronaldo ayaa wax laga weydiiyay ugu horeyn in imatinkiisa halkan ay sabab buuxda u tahay, kadib soo dhaweyntii uu ka helay jamaahiirta kooxda Juventu kadib goolkii laba lugoodleyda uu ka dhaliyay Bianconeri xili ciyaareedkii lasoo dhaafay wuxuuna kaga jawaab celiyay: “Ma dhahayo tani waa sababta dhabta ah, laakiin waxay iga caawisay inaan arko ixtiraamka ay ii hayaan jamaahiirta halkan ku sugan”.

Sababta uu u doortay Cristiano Ronaldo imaatinka kooxda Juventus ayaa wax laga weydiiyay wuxuuna kaga jawaab celiyay: “Maxay ahayd sababta aad u dooratay Juventus?.  Waa koox aad u wanaagan, ugu horeyn,ta iyo caruurnimada waxaan ku noolaa kooxdan, waxaana rajeenayay inaan mar uun u ciyaaro maalin maalmaha ka mid ah, Juventus waa kooxda ugu mhiimsan dalka Talyaaniga, sidoo kale waa mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan aduunka”.

Sidoo kale Ronaldo ayaa la weydiiyay fikirkiisa kaga aadan horyaalka dalka Talyaaniga wuxuuna kaga jawaab celiyay: “Waxaan garanayaa horyaalkan, sababtoo ah waxaan kala socon jiray shaashadaha taleefishinka, laakiin kama ciyaarin hada kahor, waxaan rajeynayaa inaan si dhaqso ah ula qabsan karo xaaladaha ku hareereysan, laakiin ma ihi  qof welwelsan”.

Sidoo kale Cristiano Ronaldo ayaa waxaa wax laga weydiiyay soo dhaweyntii cajiibka ahayd uu kala kulmay jamaahiirta Juventus kadib goolkii uu kaga dhaliyay kulankii Champions League-ga ee xili ciyaareedkii tagay wuxuuna yidhi: “Waxa ay aheyd wax cajiib ah, wax la mid ah sidaasi oo kale marnaba lama aanan kulmin, wuxuu ahaa dareen aad u wanaagsan, waana la yaabay markii ugu horeysay”.

Ugu dambeyn Cristiano Ronaldo ayaa go’aansaday inuu fariin mahad celin ah u diro jamaahiirta kooxda Juventus wuxuuna yidhi: “Si aad ah ayaan ugu mahadcelineynaa jamaahiirta, wax walba waan sameyn doonaa, waan hubaa inaan koobab qaadi doono, aad ayaad uga mahadcelineynaa ilaa iyo dhamaadka, Forza Juventus”.