“Waxa Uu Dhaliyay Goolkii Ugu Fududaa Abid Waxaana Uu U Dabaal Degay Sidii Nin Waalan” Jamaahiirta Kubadda Cagta Oo Ka Fal-Celiyay Dabaal Degii Aan Xadka Lahayn Ee Cristiano Ronaldo

Jamaahiirta kubadda cagta gaar ahaan kuwooda isticmaala barta Twitter-ka oo ah kuwo inta badan ka falceliya dhaq dhaqaaqa kubadda cagta ee kolba ka dhaca garoomada ayaa markan kusoo jeestay Cristiano Ronaldo gaar ahaan dabaal degiisii galabta ee kulankii Sassuolo.

Cristiano Ronaldo ayaa saddexdii kulan ee hore ka soomanaa goolasha balse waxa uu maanta ugu dambayn awooday inuu qaab qurux badan ku furto akoonkiisa goolasha ee Serie A-da Talyaaniga kaddib markii uu laba jeer gaadhay shabaqa Sassuolo.

 

Haddaba, Jamaahiirta kubadda cagta ayaa la fajacay dabaal degii CR7 ee goolkiisa koowaad ee Juve maadaama oo uu intii awoodiisa ah cararay kaddib markii uu kubadda goolka ku hubsaday.

Jamaahiirta qaar ayaa kabtanka Portugal ku sheegay mid ay ceeb ku tahay inuu qaabkaas u dabaal dego halka kuwo kale ay goolkan ku sifeeyeen midkii ugu fududaa ee uu abid dhaliyo balse uu u dabaal degay sidii qof waalan.

Waxaan halkan ku xusi doonaa qaar kamid ah jamaahiirta fal celinta barta Twitter-ka kaga sameeyay goolka ku celiska ahaa ee uu Ronaldo galabta ku furtay akoonkiisa goolasha

Taageeraha Koowaad: 

“Ronaldo bilaa xishood ayuu ku yahay dabaal degaas”


Taageeraha Labaad

“Ronaldo waa mid aad bilaa xishood ugu ah dabaal degaas”


Taageeraha Saddexaad

“Ma jiro ciyaartoy dunida jooga oo kubaddaha ku celiska ah ugu dabaal dega sida Ronaldo”


Taageeraha Afraad

“Dabcan, Ronaldo wuu ku celiyay, Intee inleeg ayay layaab tahay, Waxa uu u dabaal degay sidiiyo uu dhaliyay gool caalami ah”


Taageeraha Shanaad

“Ronaldo wuxuu dhaliyay goolkii ugu fududa abid waxaana uu u dabaal degay sidii nin waalan”


 

13 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. sxpyaal shirkadan barcelona.net baa la dhahaa waxy soo uruursadaan fikradaha ay shakhsiyaad cr7 ku lid ahi yidhaahdeen
    cr7 shabakad yaroo aanay cidba ku xirnayn waxba ka yarayn mayso maqaamkiisa
    kii gaabna e messi hal shoot kuma laagin real socied maxad uga hadli waydeen 😂😂 waad fashilanten

  2. Wa ayo kuwaN Hadaladoda So qadateeN? ma jamahiirti sassuolo or Barca?
    Teeda Kle Meyeen Inti dad Ee u Dabaal dagty furitank Golosha Xidiga adunka?

  3. Wax bay iska lee leeyihiin CR7 waa ciyaartowga ugu taagerida badn caalamka waana mid uu isagu kasbady idin aflagaadeyn maayo anigu lkn odeyga ciyaarta ka daaya

  4. Ader mesha wax an micna lahayn haso dhigine
    wax ay tagerayshina qancin karah so dhiga wax wakhti lagu pixiyo ma istahishane 😈👿😈😈😈🖕🖕🖕🖕🖕

  5. Maalacyacni ayad noso qoraysaan mawaxa jira gool kafududaa kii uudhaliyey Kareem benzema championkii….

  6. indinka naftirkina ina xola tihiin waxan wx la soqata miya Marko Real madrid jogay oo PSG kubad jilibka uga dhacday wad ogeden sidan si lamida inu udabal dagay iskawa daye tan waa mid furitan ah oo cadadiska saran ka badnay
    marka bulshada wx nidamsan oo ugamarman Redio uso jedsha Twitter yada ciyalka xafada hano so aruurine😈😈😈😈👊👊👊👊👊

Comments are closed.