“Wax Uu Ka Hadlayey Ma Aqaan,” – Sergio Ramos Oo Dhulka La Dhacay Cristiano Ronaldo Oo Si Dadban U Weeraray Real Madrid

Cristiano Ronaldo ayaa la yaab ku riday dadka dagan caasimadda Spain kaddib markii uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in Juventus uu ku dareemayo QOYS ahaan laakiin waxaa u soo jawaabay Sergio Ramos o sheegay in jawi qoys UU KA JIRO Santiago Bernabeu sidoo kale.

Daafaca sidoo kale waxa uu ka hadlay tegitaankii lambar 7da iyo waxa ay uga dhigan tahay Los Blancos.

“Halkan mar walba waxaan ku dareennaa qoys ahaan, markaa ma aqaan waxa uu ka hadlayey,” ayuu Ramos yiri.

“Guulaha badan ayaan gaarnay, taas oo ay sabab u tahay in aan qoys nahay waxa uuna ka mid ahaa qoyskaas, ee aan hadana wali haysanno.

“Caadiyan wax wanaagsan ma aha marka aad weyso ciyaaryahan sida Cristiano Ronaldo oo kale ah, laakiin waan sii wadi karnaa In aan badinno, Real Madrid taariikhdeeda kuwo badan ayaa yimi oo baxay, laakiin Real Madrid guulaha wey sii waddaa.

“Ma Jiro cid ka sarreeysa Real Madrid, wax walba oo dhaca Real Madrid wey sii noolaan doontaa waxa ayna ahayd doorashadiisa in uu tago.

“Go’aanada ma aha kuwo aan sameeyo, laakiin albaabada mar walba wey u furan yihiin kuwa raba in ay qeyb ka noqdaan Real Madrid.

“In Aan lumino Ronaldo wey adkayd, laakiin ma jiro ciyaaryahan ka sarreeya Real Madrid walina waxaan leenahay baahiddii aan ku horumari lahayn oo aan ku qaadi lahayn koobab badan.

“Maskaxda aan leenahay waa mid aad uga muhiimsan shaqsiyaad ka tirsan kooxda.”

5 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Real Waxay Ka Dhigantahay Gadhi
    Ronaldo na Wuxu Ka Dhigan yahay
    Shookanti Gadhiga !!!
    Gaadhi Bila Shookan Ahina ilama aha
    Inuu Socon Karo

  2. Sergio ramos waa runtii real madrid way ka saraysaa cidkasta waana run in ay adkayd in la lumiyo ciyaar yahan sida CR7 oo kale ah

Comments are closed.