Wax Ka Ogow Gabadha Garsooraha Ka Noqon Doonta Bundesliga Xilli Ciyaareedka Danbe – Waana Howard Webb Saaxiibtiis

by Saed Balaleti | Friday, May 19, 2017

Madaxda Bundesliga ayaa xaqiijiyay in Bibiana Steingaus inay noqon doonto gabadhii garsoore ee ugu horeysay ee uu horyaalka heerka koowaad ee Jarmalka.

Gabadhaan oo 38 sanno jir ah ayaa sidoo kale ah sarkaal boliis, waxaana ay saaxiibo uu caashaq ka dhaxeeyo ay yihiin garsoorihii hore ee Premier League Howard Webb, waxa ay gabadhaan garsoore ka ahaan jirtay horyaalka heerka hoose ee Jarmalka.

Waxa ay sidoo kale garsoore ka noqotay ciyaartii finalka ee u dhaxeysay gabdhaha Japan iyo Mareykanka ee ciyaarihii Olimbikada ee London lagu qabtay sannadii 2012.

Si kastaba, inkastoo ay qibrad u leedahay inay kulamo waa weyn soo qabatay, hadana waxa ay aad ugu faraxday in loo xushay horyaalka Bundesliga.

Waxa ay u sheegay website-ka rasmiga ah ee xiriirka kubada cagta Jarmalka: “Markii madaxa garsoorayaasha Jarmalka Lutz Michael Frohlich uu i ogeysiiyay, hadalkii ayaa igu dhegay.

“Waan rumeysan waayay, mar waan farxay, mar neef baa iga soo fuqday, dareemo kala duwan ayaa igu soo booday.

“Mar walba riyadeyda ayay aheyd inaan garsoore ka noqdo Bundesliga.

“In riyadaas ay ii rumowday ayaa aad ii farxad gelineysa.

“Marka dhinac laga eego waxa ay abaalmarin u tahay shaqadeyda adag, dhanka kalena waxa igu sii dhiirogelineysaa inaan sii wado shaqada adag.”

Lamaanaheeda, Webb ayaa isna loo tixgelinayay mid ka mid ah garsoorayaasha ugu fiican caalamka ka hor inta uusan ka fariisanin.

Sannadii 2010 waxa uu dhexhdexaadiyay finalkii Champions League ee u dhaxeeyay Inter Milan iyo Bayern Munich.

Ka dibna waxa uu noqday ninkii ugu horeeyay ee Ingariis ah ee ka dib Jack Taylor ee sannadii 1974tii ee garsoore ka noqdo finalka Koobka Adduunka.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments