Wax Ka Ogoow Wax Walba Uu Lionel Messi kasoo Sameeyay Kulamadii Uu Sevilla Kaga Hor Yimid Maaliyada Barcelona, Kahor Kulanka Caawa Ee Spanish Super Cup.

Laacibka reer Argantina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa isku diyaarinaya kulankiisii ugu horeeyay ee xili ciyaareedka cusub, kadib markii ay caawa kaga hor yimaadaan Sevilla koobka Spanish Super Cup oo caawa markii ugu horeesay lagu ciyaari doono dalka Morocco.

Ciyaartan ayaa ah markan hal kulan oo kaliya, mana jiri doonto laba lugood ee la ciyaari doono sida horey ay caadada u ahayd sanadihii lasoo dhaafay, taasoo ka dhigeysa in kulanka uu noqdo mid u furan labada dhinacba maadaama aan dib dambe leysugu soo noqon doonin kulan labaad.

Laakiin kooxda Sevilla ayaa ka mid ah kooxda uu ugu jecel yahay Lionel Messi inuu ka hor yimaado, marka loo fiiriyo kooxaha kale uu kaga hor yimid xirfadiisa kubada cagta, kadib markii uu laciyaaray 33 kulan ee ah dhamaan tartamada kala duwan, wuxuu awooday inuu ka dhaliyo 31 gool, wuxuuna sidoo kale ku caawiyay 14 gool kale, taasoo ka dhigeysa inuu ka qeyb qaatay 45 gool ay kooxda Barcelona ka dhalisay Sevilla.

Ma jiro ciyaaryahan horey u soo maray taariikhda horyaalka La Liga ee dalka Spain ee hal koox ka dhaliyay 31 gool, taasoo macnaheedu tahay in goolasha uu ka dhaliyay Lionel Messi kooxda Sevilla ay tahay rikoodh aan horey u soo dhicin.

Sheekada ayaan intaas ku ekeen maadaama ay sidoo kale kooxda Sevilla ay tahay kooxda ugu badan uu guulal ku caawiyay kadib Levante uu ku caawiyay 15 gool.

Lionel Messi ayaa horey kaga horyimid Sevilla koobka Spanish Super Cup 4 kulan, wuxuuna laacibka reer Argantina kaga dhaliyay kaliya 1 gool, wuxuuna sidoo kale ku caawiyay 4 gool kale, wuxuu kooxdiisa Barcelona guul ku hogaamiyay 3 kulan, halka kulanka kale ay wada galeen barbaro.

Messi ayaa ka dhaliyay laba jeer goolasha saddexleda ah kooxda Sevilla, laakiin rikoodhkiisa cajiibka ayaa ah in uu ka dhaliyay 7 jeer ee ah goolasha labaleyda, waana kooxda ugu badan uu Messi ka dhaliyay goolasha labaleyda in ka badan hal kulan. Wuxuuna sidaas ku sameeyay 9 kulan.

33-dan kulan uu Lionel Messi kahor yimid kooxda Sevilla ayaa wuxuu guul ku hogaamiyay Barcelona 24 kulan, halka 5 kulan ay wada galeen barbaro, kaliya 4 kulan ayay kala kulmeen guuldaro, taasoo cel celis ahaan la macno ah guulaha uu Barca ku hogaamiyay kulamadii ay wada ciyaareen kooxda Sevilla inay gaarsiisa tahay 72%.