Wax Ka Baro Afarta Kooxood Ee Isagu Soo Hartay Wareega Afar Dhamaadka Champions League Ka Hor Isku Aadka Jimcaha

by Saed Balaleti | Thursday, Apr 20, 2017

Atlético Madrid, Juventus, Monaco iyo  Real Madrid ayaa isagu soo haray wareega afar dhamaadka Champions League sannadkaan, hadaba shabakada laacib.net ayaa idiin soo uruurisay xog ku saabsan kooxahaan ka hor isku aadka semi-finalka oo la qabanayo maalinta Jimcaha.

Labo kooxood oo Isbaanish ah oo ah labadii kooxood ee finalka gaartay xilli ciyaareedkii hore ayaa ka mid ah afarta kooxood ee isagu soo haray semi-finalka, waxaa kula wehliya kooxda Talyaaniga ee Juventus iyo kooxda Faransiiska ee Monaco.

Atlético Madrid (Isbaanish)

Qiimeynta Kooxaha UEFA waxa ay kaga jiraan kaalinta afaraad:

Xilli ciyaareedkan waxa ay dheleen 10 kulan Champions League, waxa ay badiyeen todobo ka mid ah, waxaa laga badiyay hal kulan waxaana ay barbaro galeen labo kulan.

Dookha koowaad ee shaxdooda waxaa sida tan:  Oblak; Juanfran, Godín, Savić, Filipe Luís; Saúl, Gabi, Koke, Carrasco; Gameiro, Griezmann

Gooldhaliyahooda ugu sareeya Champions League waa xiddiga Faransiiska Antoine Griezmann oo dhaliyay shan gool.

Semi-finalkii ugu danbeeyay ee ay ciyaareen waxa uu ahaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay iyagoo sharciga goolasha martida ah uga soo baxay Bayern Munich oo ay labadii lug barbaro 2-2 galeen.

Rikoorkooda semi-finalka waa seddex guul iyo labo guuldarro.

Atletico waligeed kuma guuleysanin koobkaan laakiin markoodii ay ugu fiicnaayeen waxa ay seddex jeer gaareen finalka oo markii ugu danbeysay ay aheyd 2016.

Juventus (Talyaani)

Qiimeynta kooxaha UEFA waxa ay kaga jiraan kaalinta shanaad

Xilli ciyaareedkan 10kii kulan ee ay ciyaareen Champions League waxa ay badiyeen todobo kulan, waxaana ay barbaro galeen seddex kulan, weli wax guuldarro ah ma aysan soo gaarin.

Dookha koowaad ee shaxdooda waa sida tan: Buffon; Dani Alves, Bonucci, Chiellini, Alex Sandro; Pjanić, Khedira; Cuadrado, Dybala, Mandžukić; Higuaín.

Gooldhaliyahooda ugu sareeya Champions League waa xiddiga reer Argentina Paulo Dybala kaasoo dhaliyay afar gool.

Markii ugu danbeysay ee ay semi-final soo gaaraan waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii 2014-15, waxaana ay 3-2 kaga badiyeen Real Madrid.

Rikoorkooda semi-finalka waa sida tan: Sideed guul iyo seddex guuldarro.

Labo jeer ayay hanteen koobka Champions League, markii ugu danbeysay ee ay qaadeen waxa ay aheyd 1996dii.

Monaco (Faransiis)

Qiimeynta kooxaha UEFA waxa ay kaga jiraan kaalinta 30aad.

Xilli ciyaareedkan 10kii kulan ee ay ciyaareen Champions League waxa ay badiyeen lix kulan, waxaa laga badiyay labo kulan waxaana ay barbaro galeen labo kulan kale, kumana jiraan kulamadii ay ciyaareen isreebreebka.

Dookha koowaad ee shaxdooda waa sida tan: Subašić; Sidibé, Glik, Jemerson, Mendy; Fabinho, Bakayoko, Lemar; Bernardo Silva, Falcao, Mbappé

Gooldhaliyayaashooda ugu sareeya ee Champions League waa Kylian Mbappe iyo Radamel Falcao oo min shan gool dhaliyay.

Markii ugu danbeysay ee ay semi-final ciyaaraan waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii 2003-04 markaasoo ay 5-3 kaga badiyeen Chelsea.

Rikoorkooda semi finalka waa sida tan: Hal guul iyo labo guuldarro.

Monaco waligeed kuma guuleysanin Champions League laakiin hal jeer ayay finalka gaareen waana sannadii 2004 markaasoo ay koobka qaaday kooxdii Jose Mourinho ee FC Porto.

Real Madrid (Isbaanish)

Qiimeyna kooxaha UEFA waxa ay kaga jirtaa kaalinta koowaad.

10kii kulan ee ay xilli ciyaareedkan dheeleen Champions League waxa ay badiyeen todobo kulan waxaana ay barbaro galeen seddexda kulan kale, sida Juventus wali lagama badinin Los Blancos.

Dookha koowaad ee shaxdooda waa sida tan: Navas; Carvajal, Ramos, Nacho, Marcelo; Kroos, Casemiro, Modrić; Bale, Benzema, Ronaldo

Gooldhaliyahooda ugu sareeya ee Champions League waa Cristiano Ronaldo waxaana uu dhaliyay todobo gool.

Markii ugu danbeysay ee ay semi-final ka ciyaaraan waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii hore markaasoo ay 1-0 kaga badiyeen Manchester City.

Rikoorkooda semi-finalka waa sida tan: 14 guul iyo 13 guuldarro.

Real Madrid waa kooxda ugu guulaha badan Yurub waxa ay Champions League hanteen 11 jeer iyadoo koobkii ugu danbeysay ay qaadeen sannadkii hore ee 2016.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments