Wasiirka Maaliyada Dalka Spain Ee Cristobal Montoro Oo Ka Hadlay Kiiska Maxkameed Ee Cristiano Ronaldo.

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Jun 20, 2017

Wasiirka maaliyada dalka Spain ee Cristobal Montoro ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xaalada cakiran ee kiiska laacibka kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ee ku aadan in lagu eedeenayo lunsiga lacago canshuura ah oo gaadhaya ilaa iyo 14.7 milyan euros. Ronaldo ayaa lagu wargaliyay nuu July 31 ka soo hormuuqdo maxkamada Madrid.

Cristobal Montoro oo ka hadlayay kiiska canshuur lunsiga ee Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu yidhi: “ma jirto cid lagu eedeenayo wax dambi ah hadii uusan lug ku lahayn kiiska lagu tuhmayo inuu ku kacay, iskaba daa ciyaaryahanada , sababtoo ah waxay ka mid yihiin shaqsiyaadka sida aadka ah loogu daydo”.

Wasiirka maaliyada ee dalka Spain ayaa sidoo kale sheegay: “waxaa suuragal ah in shaqsiyaadka qaar ee sameeya arimo dheeraad ah ee dhanka fir fircoonida ku aadan ay la kulmaan mararka qaar baaritaano dheeri ah, sida Cristiano Ronaldo oo kale ”.

“Hawlaha isboortiga waa inay noqdaan kuwo looga daydo bulshada inteeda kale. Sidaas darteed ciyaaryahanada waa inay ahaadaan kuwo heersare isla markaana ah geedi u socod, sidoo kale waa in ay ogaadaan inay waajib ku tahay in bulshada ay ku dhax yeeshaan saameyn xoogan”. ayuu Cristobal Montoro hadalkiisa ku sii daray.

Wasiirka maaliyada Montoro oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu markan difaacay hey’ada dalka Spain u qaabilsan kiisaska canshuur baarista, wuxuuna tilmaamey in shaqadooda ay u gutaan sida loogu talagalay.

Dhinaca kale Cristobal Montoro ayaa wuxuu sheegay in Wasaarada maaliyada aysan ahayn bangi, si ay u tixraacdo kooxaha iyo laacibiinta kubada cagta ee ku maqan deymaha, wuxuuna hadalkiisa intaa sii raaciyay in kiisaskan aysan ku saleysneen fikirka ah in horyaalka dalka Spain ee La Ligaha uu yahay kan ugu wanaagsan dunida.

Dhawaan ayeey ahayd kadib markii ay Xeer ilaaliyaasha magaalada Madrid ee dalka Spain ay ka gudbiyeen laacibka kooxda Real Madrid iyo Xulka qaranka Portugal Cristiano Ronaldo, kiis ku aadan lunsiga canshuur laga doonayay bixinteeda ee gaarsiisan ilaa iyo  14.7 milyan euros.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments