Wariye Gerard Romero Oo Daaha Ka Qaaday Kooxda Ku Dhaw Heshiiska Fabinho – Man City Mise Man United?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Saturday, May 20, 2017

Sida ay tilmaamayaan warbixino ka imaanaya Spain kooxda Manchester City ayaa qarka u saaran iney dhameystirto heshiiska xidiga jookarka ah ee As Monaco Fabinho.

Gerard Romero oo ka tirsan wariyayaasha loogu kalsoon yahay kana hawlgala magaalada Barcelona ee gobolka Catalan ayaa qiray iney Citizens ku dhawdahay heshiiska xidigaas tiiyoo ay jirto inuu horay daaha uga qaaday in City ay ku dhawdahay Nolito, John Stones iyo Leroy Sane ka hor inta aysan la saxiixan waana shaqsi aad loogu kalsoon yahay.

Pep Guardiola ayaa suuqa ka baadi goobaya badalka halyeyga Citizens iyo qaranka Argentina Pablo Zabaleta kaas oo dhamaadka xili ciyaareedkaan ka baxaya albaabka Etihad Stadium.

Balse Fabinho oo sidoo kale ciyaari kara booska burbburiyaha ayaa badal fiican u noqon kara Yaya Toure kaas oo isna aan la ogeyn mustaqbalkiisa Citizens.

23-jirkaan ayaa la hubaa inuu maamulka Monaco kula heshiiyay in la iibiyo hadii laga soo gudbiyay dalab macquul ah waxaana sida la sheego lagu heli karaa aduun dhan 25 Malyan oo Pound.

Dhanka kale Jose Mourinho ayaa si ba’an u xiiseynaya xidigaan isagoo doonaya inuu ka garab ciyaarsiiyo Ander Herrera xili ciyaareedka soo aadan.

Heshiiska uu Fabinho kula jiro As Monaco wuxuu ku egyahay June 2021.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments