Wariyaha Wargayska OK Diario Ee Eduardo Inda Oo Si Cadho Wayni Ku Jirto Ugu Jawaabay Gerard Pique Oo Sheegay In Florentino Perez Uu Maamulo OK Diario

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Oct 19, 2016

Difaaca xulka qaranka Spain iyo kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa shalay mar uu ka hadlay shirkii jaraa’id ee ka horeeyay kulanka Manchester City lagu waydiiyay sababtii ka danbaysay in uu go’aan ku gaadhay ka fadhiisashada xulka qaranka Spain marka la gaadho dhamaadka koobka aduunka ee 2018, wuxuuna markaas sheegay in ayna saamayn ku yeelan wararkii ay isaga ka qoreen wargaysyada Madrid ka soo baxa ee AS, Marca iyo OK Diario oo uu ku tilmaamay mid uu Florentino Perez maamulo.

xiga

Laakiin Journalistaha OK Diario ee Eduardo Inda ayaa si cadho wayn leh uga hadlay in Pique uu wargayskiisa ku tilmaamay mid uu maamulo madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez wuxuuna Eduardo Inda si adag u weeraray Pique isaga oo sharaxaad ka bixiyay sababta uu ciyaaraha xulka qarankiisa uga fadhiisanayo.eduardo-inda

Aan dib idiin xusuusiyee Pique ayaa shalay markii uu ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee Manchester City ka horeeya yidhi: “Waxaan akhriyay in Twitterka, Marca iyo AS ay aniga igu qasbeen in aan ka baxo kooxda xulka qaranka Spain ama wargayska uu maamulo Folrentino Perez ee OK Diario uu dibada ii tuuray, laakiin taasi arintu ma aha”.

xiga

Pique oo ka hadlaya go’aankii uu gaadhay ayaa yidhi: “Waxa uu ahaa go’aan aan u qaatay in aan noqon doono 31 sano jir isla markaana waxaan ka fikiray in uu yahay doorashada ugu fiican. Kadib koobka aduunka, oo aan ka soo qaadayo in aanu u soo baxnay, waxaan doonayaa in jiilalka kale ay qataan booska aan ku fadhiyo”.

Laakiin wargayska OK Diario ayaa ka gubtay hadalka Pique waxaana Gerard Pique si adag ugu jawaabay wariyaha Eduardo Inda kaas oo yidhi: ” Shaqaale iyo OK Diario midkoodna dibada kaaga muu saarin kooxda xulka qaranka, malaayacnimadaada, carruurnimadaada iyo Spanish nacaybkaaga ayaa dibada kuu tuuray. Anigu dadka kumaan qasbin in ay kugu foodhyaan tababarka iyo kulamada” ayuu ku sheegay muuqaal uu Pique dartii u soo duubay.

Eduardo Inda oo Pique weerar ku sii haya ayaa yidhi: “Dadku waxay kuu eedaynayaan sababtoo ah ma dareemaysid midabka Spanishka. Aduunka oo dhan waxaad xaq u leedahay in aad u ololayso xoriyada ka hor, laakiin xaqaasi waxa uu leeyahay cawaaqib xumo.Haddii aanad aaminsanayn Spain taas oo ah mid ixtiraam leh, ha u ciyaarin kooxda xulka qaranka. Waxaad kooxda xulka qaranka u tagtaa sababtoo ah waxaad lacagta u jeceshay in ka badan inta uu canuga cayilani/buurani jecel yahay keega ama doolshaha”.

Like it? Share it!

5 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. Sawaaj baldar 20-10-2016 at 9:25 am - Reply

    Haa waa run nagahaas ha laga qaado qaybta sare marka aad aqriska furtana waa qaybta hoose

  2. Yacquub Germany 20-10-2016 at 9:07 am - Reply

    Kkkkkkkkkkk dadka qaaar waaaaali badanaa

  3. abuu 19-10-2016 at 8:36 pm - Reply

    kkkkk naagahan qaawan halaga qaado kulahaa sxb anaga ma argno waxaad sheegeyso waakugu kaliga waxan umaleyna sheeydan aa kuguso tuuray ee acuudu bileyso hhhhhhhhhhhhhh

  4. baraf 19-10-2016 at 7:46 pm - Reply

    Hayska hadlin bro naagahan aad zheegaysaa halkay yaalaan maaduunbaa arkaya ciladu waaa moplekaaga zhp wepseteku ciyaaraha ayaaa ka faalooda naagahan aadsheegaysana waaa dhinacaaga

  5. abdirahman 19-10-2016 at 5:47 pm - Reply

    naagaha qaqaawan meeaha ka qaada miyeysan dad islam ah ahyn

Leave A Response