Wariyaha La Xushmeeyo Gianluca Di Marzio Oo Ka Farxiyay Jamaahiirta Man United Ee Isha Ku Haya Xaaladda Cristiano Ronaldo.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Sunday, Jun 18, 2017

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka talyaaniga weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Manchester United xagaagan.

Waxaa la fahansan yahay in kabtanka Portugal uu doonayo inuu isaga tago Santiago Bernabeu madama uusan la dhicin sida ay ula dhaqmeen jamaahiirta Los Blancos kuwaas oo wax badan ku oriyay bilowgii xilli ciyaareedkaan markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed aan qurux badneyn.

Sidoo kale xidigaan wuxuu aad uga carooday sida aysan kooxdiisa u difaacin markii ay eedeyn kaga timid waaxda canshuuraha dalka Spain kuwaas oo sheegay inuu xidigaan tiro laba jer ah khiyaamay lacag dhan 14.7 Malyan oo Euro.

Wariyaha aadka loo xushmeeyo ee aadka loogu kalsoon yahay Gianluca Di Marzio ayaa shaaca ka qaaday in CR7 uu wakiilkiisa Jorge Mendes u sheegay inuu wax walba oo ay ku qaadato ka shaqeeyo sidii uu dib ugu laaban lahaa garoonka Old Trafford.

Paris Saint Germain ayaa xidigaan xiiseyneysa si la mid ah kooxo aan la magacaabin oo ka dhisan dalka Shiinaha, balse Marca waxey qortay in xidigaan ay ku iibin karto Real Madrid hadiiba ay xal kale u weyso aduun dhan 350 Malyan oo Pound.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments