Wargeysyada Spain & Kuwa Talyaaniga Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Mucjisadii Laga Filayay Camp Nou Ee Ay Fashilisay Juventus.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Apr 20, 2017

Juventus ayaa soo bandhigtay awood dheeri ah oo dhanka difaaca ah kadib markii ay tartanka ka reebeen Barcelona, waxaana xusid mudan kooxda ka dhisan Turin ay shabaqeeda ka difaacdeen Balaugrana labadii kulan ee quarter finalka.

Wargeysyada Talyaaniga cinwaanka ugu saameynta badnaa wuxuu ahaa midka uu soo daabacay Corriere dello Sport kaas oo u qornaa: “Waad Ka Ooyiseen” xilli ay soo qaateen sawirka Neymar Junior oo oynaya sidoo kalana uu sabarsiinayo saaxiibkiisa qaranka Brazil – Dani Alves.

Lionel Messi ayaa u muuqday midka kaliya ee ku shaqeynayay xeeladda Luis Enrique, wuxuuna ahaa kan ugu dadaalka badan ciyaartoyda Balaugrana inkastoo uu xalay ku sigtay inuu qoorta ka jabo.

Labada wargeys ee kasoo baxa dalka gobolka Catalan [Sport iyo Mundo Deportivo] waxeyna si sharaf leh u sagootiyeen Barcelona.

“Nabad Galyo Adinkoo Sharfan” Ayey Sport iyo Mundo Deportivo kusoo qoreen bogga hore wargeyskooda cadadkii maanta iyagoo kala adeegsaday sawirada Luis Suarez iyo Neymar

Dhanka kale wargeysyada Madrid waa kuwa inta badan ku hawlan iney dhanka kale u rogaan wax walba oo ku dhaca Barcelona, waxeyna farxad ku dareemayaan iney joogaan Atletico iyo Real, sidoo kalana Barcelona la reebay.

AS Iyo Marca oo ah labada wargeys ee kasoo baxa caasimadda ayaa bogga hore kusoo qoray, qajilaad ka dhan ah Barca.

AS ayaa bogiisa hore kusoo qoray: “Lama Filaan” & “Burbur” wuxuuna adeegsaday sawirka Lionel Messi xilli uu si xun dhulka ugu dhacay.

Sidoo kale Marca ayaan u nixin wixii ku dhacay Barcelona waxeyna bogooda hore kusoo qoreen: “Afar Kubad & Tacsi” dabcan waxey kala jeedaan in Barcelona ay u taalo tacsi halka kooxaha Madrid ay ka mid yahiin afarta kubad ee isku aadka Semi Finalkiisa marka la sameynaayo lakala furi doono.

 

Dhanka kale Saxaafadda talyaaniga ayaa kusii digatay Barcelona kuwaas oo dhamaan garab wada siinaya Juventus oo ah kooxda matalayesa qadiyadda dadka talyaaniga waxaana si wacan u galay kooxda ka dhisan gobolka Catalan Tuttosport iyo Corriere dello Sport.

Wargeyska Turin ku yaala ee Tuttosport wuxuu bogiisa hore kusoo qoray: “Aan La Jabin Karin” dabcan daafaca Juve ayuu ku amaanay, Corriere dello Sport ayaa qoray: “Waad Ka Ooyiseen” isagoo adeegsanaya sawirka Neymar.

 

Ugu dambeyntiina wargeyska Gazzetta dello Sport ayaan sidoo kale ka aamusin wuxuuna cinwaan ka dhigay – “Duulimaadka Juve”