Wargeyska La Stampa Oo Shaaca Ka Qaaday In Zinedine Zidane La Ceyrin Doono Hadii Uu Dhaafi Waayo PSG & Tababaraha Badali Doona Oo Durba Lasii Hadal Hayo.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Jan 12, 2018

Real Madrid ayaa durba shuruud ku xirtay joogista tababarahooda reer France Zinedine Zidane sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka Italy, gaar ahaan wargeyska La Stampa ee kasoo baxa magaalada Turin.

Sida warbixinta lagu sheegay Los Blancos wey ceyrin doontaa Zinedine Zidane hadii ay wiilashiisa ku fashilmaan iney ka gudbaan wareega 16-ka kooxda Paris Saint Geramin laba kulan oo lakala ciyaari doono bilaha February iyo March.

Tababaraha qaranka Jarmalka Joachim Low ayaa noqon doona badalkiisa kaas oo isku diyaarinaya inuu difaacdo koobka Aduunka marka la isugu tago Russia bartamaha sanadkaan.

Sida ku cad warbixinta lagu qoray La Stampa laba sano ka hor ayuu madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez la hadlay macalinkaan Jarmalka u dhashay isagoo ka codsaday inuu kooxda la wareego, balse wuxuu u sheegay inuusan u imaan karin ka hor bartamaha 2018 madama uu aad u doonayo inuu Jarmalka hogaamiyo koobka Aduunka.

Warkaan ayaa kusoo aadaya xilli Zidane uu shaaca ka qaaday inuu ogolaaday heshiis cusub oo dhamaanaya 2020, inkastoo aan wali qalinka lagu duugin.

Joachim Low maahan macalin si weyn loogu yaqaanno inuu hormar ka sameeyay dhanka kooxaha kaliya VfB Stuttgart, Fenerbahçe iyo Austria Vienna ayaana liiska ugu jira, balse cidna ma iloobi karto guushii uu 4-sano ka hor u hogaamiyay Jarmalka markii ay Brazil kusoo hanteen koobka Aduunka.