Wargeyska Globesporte Ee Dalka Brazil Oo Soo Bandhigay Talaabada Ay Real Madrid U Qaaday Saxiixa Neymar & Shaqiga Loo Xilsaaray.

Qorshaha ay Real Madrid uga hawlgaleyso saxiixa Neymar Junior ayaa galay marxalad aan caadi aheyna maadaama la ogaaday qofka loo xilsaaray inuu soo dhameeyo xaaladda isla markaana uu la xaajoodo aabaha dhalay xiddigaan.

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka Brazil, Juni Calafat oo ah madaxa qeybta kubadda cagta heerka caalami ee Real Madrid ayaa loo sheegay inuu masuul ka yahay heshiiskaan, durbana wuxuu xiriir la sameeyay aabaha xiddigaan si uu ugu qanciyo inuu Santiago Bernabeu yimaado wiilkiisa xagaagan.

Wargeyska Globesporte ee dalka Brazil ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha kooxda Nasser Al-Khelaifi uu ka biyo diidsan yahay in la bilaabo ololaha uu xiddigaan ku baxayo iyadoo la ogyaay inuu heshiiskiisa dhamaanayo 2022.

Real Madrid waxey aaminsan tahay in xaaladda xiddigaan ay u baahan tahay cadaadisyo dhinacyo badan ah si loogu ogolaado inuu baxo, waana tallaabo kale oo ay qaadi doonto ka hor inta aysan dalab rasmi ah ka gudbin.

Marka laga hadlo horyaalka France kama jiro xeerka heshiisyada lagu lifaaqo lacagaha lagu jabin karo heshiiska ciyaartoyda, balse waxaa xusid mudan in sanad ka hor ay xiddigaan ku heleen Paris Saint Germain in ka badan 200 Malyan oo Euro.

Kooxda reer France ma dooneyso iney si dhaqso leh ku sheegto lacagahiisa, ilaa xiddiga uu go’aan ku gaarayo inuu isaga tago Parc des Princess.

1 Comment

  1. Neymar waxa UU haystaa Fursad weyn haddii UU ka faaideysanayo Inkasta Oo aanu buuxin karin booskii Cr7

Comments are closed.