Wargeyska Bild Oo Shaaciyay In Barcelona Ay La Kulantay Wakiilka Mucjisada Reer France Ousmane Dembele.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Jun 20, 2017

Barcelona wali kama quusan iney raadiso garabka mucjisada ah ee xulka qaranka France Ousmane Dembele sida ay warinayaan warbaahinta Spain & Germany iyadoo dooneysa iney ku xoojiso weerarka madama ay u muuqato inuu kooxda ka tagayo Arda Turan.

Wargeyska Bild ayaa qoray in agaasimaha ciyaaraha Barcelona¬†Robert Fernandez uu la kulmay wakiilka da’yarkaan.

Dembele wuxuu bartilmaameedka Barcelona ahaa xagaagii hore,, balse xidigii hore Rennes wuxuu go’aansaday inuu ku biiro Dortmund, balse kooxda ka dhisan gobolak Catalan ayaa dib usoo celisay xiisahii ay xidigaan u qabtay madama uu xilli ciyaareed aan caadi aheyn ku qaatay Bundesliga.

Sida ay qortay Bild, Fernandez iyo wakiilka xidigaan kulankooda waxaa looga wada hadlay sidii xidigaan loo keeni lahaa garoonka Camp Nou kaas oo lagu qiimeeyo aduun dhan 90 Malyan oo Euro.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments