Wargeyska AS Oo Baahiyay Go’aanka Ay Real Madrid Ka Qaadatay Mustaqbalka Gareth Bale & Man United Oo Ay Dhagta U Taagan Tahay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Nov 14, 2017

Real Madrid ayaa ku jahawareersan sidii ay maareyn laheyd dhaawaca soo noq-noqday ee xidiga reer Wales Gareth Bale waxeyna markaan diyaar u tahay iney iska beeciso marka la gaaro xagaaga soo aadan sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Spain.

Weeraryahankaan reer Wales wuxuu kooxda kula guuleystay dhawr koob oo muhiim ah, balse tan iyo markii uu yimid garoonka Santiago Bernabue kaliya wuxuu saftay 63% kulamada kooxda, halkii laga doonayay inuu joogto ugu ciyaaro.

Wargeyska AS ee kasoo baxa magaalada Madrid ayaa daabacaya in Real Madrid ay diyaar u tahay iney iibiso mid ka mid ah xidigaheeda ugu qaalisan iyadoo maanka ku heysa iney badalkiisa ka dhigi karto Kylian Mbappe kaas oo lacag dhan 180 Malyan oo Euro laga kaashi doono marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

Wargeyska wuxuu baahiyay in Gareth Bale uu seegay 40-ka mid ah 60-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay kooxda ciyaarto horyaalka La Liga – wuxuuna noqday mid hoos u dhac uu ku yimaado qiimahiisa suuqa madama haatan lagu qiimeeyo 80 Malyan halkii marka hore looga qiimeyn jiray 133 Malyan oo Pound.

Gareth Bale uma ciyaarin kooxdiisa tan iyo kulankii ay 3-1 kaga adkaadeen Borrusia Dortmund kulan dhacay 26-kii September kaas oo ka tirsanaa wareega group-yada Champions League.

Si kastaba Los Blancos waxey diiday faa’iido ay ka heli laheyd Manchester United madama uu intii uu furnaa suuqa xagaagii dhamaaday uu aad u xiiseynayay Jose Mourinho.

Balse haatan Man United wey kasii xiiso dhigeysaa xidigii hore Spurs, inkastoo wali uu kaga jiro damac ah inuu ku wacnaado horyaalka Premier League.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments