Wareega 16ka Champions League Oo Caawa Si Rasmi Ah U Bilaabanaya & Waxyaabaha Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato

by Saed Balaleti | Tuesday, Feb 13, 2018

Wareega 16ka kooxood ee Champions League ayaa bilaabanaya caawa iyadoo la ciyaarayo lugta hore isbuucaan iyo isbuuca soo socda. Caawa iyo habeen danbe waxaa la ciyaari doonaa afar kulan halka isbuuca soo socda la dheeli doono afarta kulan kale ee ka hartay lugta koowaad.

Kulanka ugu xiisaha badan isbuucaan lugta hore ee wareega 16ka Champions League waa kan habeen danbe ka dhacaya garoonka Santiago Bernabeu marka kooxda difaacaneysa koobkaan ay soo dhaweyso kooxda Paris St Germain oo ka mid ah kooxaha koobka loo saadaalinayo sannadkan.

Isbuuca soo socda isna waxaa dhici doona kulanka kale ee ugu xiisaha badan wareega 16ka Champions League marka Chelsea ay garoonkeeda Stamford Bridge ku soo dhaweyso kooxda reer Spain ee Barcelona oo iyadana ka mid ah kooxaha ugu cadcad koobka xilli ciyaareedkan.

Wareega 16ka waxa uu soo dhamaanayaa 14ka bisha Maarso markaasoo la ogaan doono sideeda kooxood ee u soo gudubtay wareega sideed dhamaadka Champions League.

Talaado 13ka February & Arbaco 7da March
Juventus v Tottenham Hotspur
Basel v Manchester City

Arbaco 14ka February & Talaado 6da March
Porto v Liverpool
Real Madrid v Paris Saint-Germain

Talaado 20ka February & Arbaco 14ka March
Chelsea v Barcelona
Bayern München v Beşiktaş

Arbaco 21ka February & Talaado 13ka March
Sevilla v Manchester United
Shakhtar Donetsk v Roma

Dhamaan kulamadaas waxaa la ciyaarayaa 10:45pm Saacada Geeska Afrika marka laga reebo kulanka Besiktas v Bayern Munich ee 14ka March oo la ciyaari doono 8da fiidnimo saacada geeska Afrika

Wareega sideed dhamaadka
Isku Aadka: 16ka March
Kulamada: 3/4 & 10/11 bisha April

Wareega afar dhamaadka
Isku aadka: 13ka April
Kulamada: 24/25 bisha April & 1/2 bisha May

Kulan kama danbeysta (final)
NSK Olimpiyski, Kyiv: 26ka bisha May

16 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. indho 13-02-2018 at 8:25 pm -

    waxa laga yaabaa in cupkan wax isbedelaan oo kooxo aan la fileyn ay simifaynalka iyo faynalkaba gaadhaan sida tothaham iyo iyo qaar lamid ah

  2. Nasir 13-02-2018 at 5:11 pm -

    Waxa finalka isugu imaandoona Juventus vs Barcelona Insha Alaah

    • indho 13-02-2018 at 8:26 pm -

      iska hubso sxb

  3. laba ka dheere 13-02-2018 at 4:57 pm -

    FINAL FCBARCELONA vs REAL MADRID CF####### 4:2 FT Pele 13′ messi 20′ 41′ Rinaldo 77′ umititi 79′ messi 90 1′

  4. C Najiib Mohamed Bare 13-02-2018 at 4:15 pm -

    finalka waaaa man chester united vs Real madrid yaadood kaqaba hee adeer warka waa dhan yahay

  5. cabdisalaam kiyaakuma 13-02-2018 at 2:17 pm -

    Waaaaw.Chelsea haaaaa ayaaa qaadeysa cupka

  6. jamac googaa 13-02-2018 at 1:53 pm -

    Aniga waxan aamin sanahay inay koobka sanadka kala qaadayan chalsae iyo real madrid Waa fekerkayga insha allah koobkana waxan geeyay stamford Brige

  7. hamzah 13-02-2018 at 12:16 pm -

    finalka real madrid vs m.city real win 3:1

  8. zack 13-02-2018 at 11:32 am -

    finalka psg vs chels

  9. koronto 13-02-2018 at 11:14 am -

    Finalku waa real vs juventus
    Yaa dood ka qaba

  10. Muhamed Fruit Aden Ali 13-02-2018 at 11:06 am -

    Finalka waa barca iyo paris waxaana koobka hanandoona Barca.Yaa xurguf qaba??

  11. kamadaaye 13-02-2018 at 11:01 am -

    fiinaalku Waa cad yahay waa barca vz mancity ama barca vz psG

  12. abdifatah 13-02-2018 at 9:46 am -

    final ka waa REALMADRID vs juventus

  13. mr geedi 13-02-2018 at 9:35 am -

    ok you well see

  14. mr geedi 13-02-2018 at 9:34 am -

    finalka madriid iyo bayar monich

  15. mr geedi 13-02-2018 at 9:31 am -

    finalka madriid iyo bayr minch yaa dacwo kaqaba kox hebala awod badan iyo waxaas haleska dhaafo cidii alle gaarsiiso baaaay