WARBIXIN: Willian Oo Qish Ku Bixiyey Xiriir Xumada Kala Dhexeysa Antonio Conte Xilli Lala Xiriirinayo Old Trafford

by Jaalle | Thursday, May 17, 2018

Garabka Chelsea Willian waxa uu qishay in xiriirka kala dhexeeya Antonio Conte yahay mid qadhaadh xilli Man United lala xiriirinayo.

Brazilian-ka waxaa lagu xantaa in uu aad u xiiseenayo Jose Mourinho iyada oo uu ol’olahan badi safka kowaad  ku jire ka maqne ka ahaa.

20 kulan ayuu kaga soo bilowday Premier League laakiin wali waxaa loo magacaabay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa Chelsea ee sanadka.

Conte waxaa la filayaa in uu xagaaga ka tago Stamford Bridge balse Willian waxa uu sheegay in bixitaanka Talyaaiga aysan hurdo la’aan ku ridi doonin.

Mar la weydiiyey sida uu ku yahay tababaraha Talyaaniga, Willian waxa uu ESPN u sheegay: “Oh, Wiilow miyaad dhabtii dooneysaa in aan kuu sheego?”

Willian iyo wareysi qaadihii wey qosleen, kahor inta uusan ku darin: “Hagaag, qaar kale, aan u kaydsanno wareysiga kale.”

Waxaa jirta xan sheegeysa in Manchester United ay wadaxaajood aan rasmi ahayn la gashay wakiilada Willian.

Manchester United iyo Chelsea waxa ay sabtida ku kulmi doonaan fiinaalaha FA Cup-ka.

Willian waxa uu ka dhacayaa qadaraaska uu kula jiro Chelsea 2020-ka.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. ilyaas 18-05-2018 at 11:23 pm -

    Kkkkkkkk yaab conte xataa aniga hishiis namadhexyaal