WARBIXIN: Waa Kuwee Xiddigaha Ugu Fiican Ee Uu Xilli Ciyaareedkan Heshiiskoodu Dhacayo? Manchester United Oo Xiddigaha Ugu Badan Kuleh & Liiskan Oo Dhammaystiran.

Gudaha suuq xagaa oo kasta waxa jira kooxo si weyn u raadsada xiddigaha uu heshiiskoodu dhacayo isla markaana si deg deg ah ula saxeexda kuwaas oo ugu dambayn amaba kooxdooda anfaca ama ku fashilma oo noqda kuwo aan gaadhin heerkii laga doonayay.

Waxa aanu warbixintan kaga faaloon doonaa liiska xiddiga heerka sarre ah ee suuqa xagaaga dambe lagu heli karo qaabka xorta ah, Xiddigahan ayaa intooda ugu badani ay ka socdaan kooxda Manchester United waxaana kamid ah goolhaye David De Gea oo loo aqoonsan yahay hubkooda ugu weyn ee ay kooxda ku haystaan.

David De Gea ayaa sanadkii 2015 qandaraas afar sano ah qalinka ugu duugay Ma United markaas oo uu xiiso ba’an ka helayay kooxda Real Madrid oo ugu dambayn la saxeexatay Thibaut Courtois, Goolhayaha xulka Spain ayaa dookh u leh inuu hal sano kale ku darsado qandaraaskiisa balse kaliya waa haddii uu isagu sidaas doorto.

Angel Di Maria oo ka tirsan kooxda Paris Saint-Germain ayaa ka qayb ah xiddigaha waaweyn ee sida xorta ah lagula saxeexan karo suuqa xagaaga dambe, Di Maria ayaa sanadkii 2017 xiiso ka helayay Barcelona walow ay PSG uga dhaaratay inuu kooxdaas ku biiro, Kooxda ree France ayaa la filayaa inay kahor June 2019 wadahadlo qandaraas kordhin ah la gasho xiddigan.

Khabiirka khadka dhexe ee kooxda Chelsea, Cecs Fabregas ayaa kamid ah xiddigahan isaga oo aan la filayn inuu dib ugu laabto kooxaha dalkiisa Spain balse waxa u furan ku biirista kooxaha ree Talyaani gaar ahaan AC Milan iyo Inter Milan oo midkasta doonayso.

Hoggaamiyaha Manchester City ee Vincent Kompany ayaa sidoo kale qaab xor ah lagu heli karaa suuqa xagaaga dambe, Xiddigan oo haatan mudo 10 sano ah ku sugan Citizens ayaa laga diri karaa kooxda maadaama oo uu dhaawacyo u saaxiib noqday sanadihii ugu dambeeyay.

Da’yarka mustaqbalkiisu cirka ku shareeran yahay ee Anthony Martial ayaa sidoo kale kamid ah xiddgaha xorta noqonaya bilo kaddib, Martial ayaa sida David De Gea dookh u haysta inuu hal sano ku darsado qandaraaskiisa Red Devils.

Halkan kaga bogo liiska xiddigaha ugu fiican ee xorta noqonaya xagaaga dambe:

Toby Alderweireld | Tottenham

Alphonse Areola | PSG

Mario Balotelli | Nice

Gary Cahill | Chelsea

Matteo Darmian | Manchester United

David de Gea | Manchester United

Mousa Dembele | Tottenham

Angel Di Maria | PSG

Munir El Haddadi | Barcelona

Cesc Fabregas | Chelsea

Olivier Giroud | Chelsea

Diego Godin | Atletico Madrid

Ander Herrera | Manchester United

Hector Herrera | Porto

Phil Jones  | Manchester United

Vincent Kompany | Manchester City

Filipe Luis | Atletico Madrid

David Luiz | Chelsea

Eliaquim Mangala | Manchester City

Anthony Martial | Manchester United

Juan Mata | Manchester United

James Milner  | Liverpool

Nacho Monreal | Arsenal

Andreas Pereira | Manchester United

Adrien Rabiot  | PSG

Aaron Ramsey | Arsenal

Arjen Robben | Bayern Munich

Luke Shaw  | Manchester United

Chris Smalling  | Manchester United

Daniel Sturridge | Liverpool

Antonio Valencia  | Manchester United

Jan Vertonghen | Tottenham

Danny Welbeck | Arsenal