WARBIXIN: Waa Kuwee Ciyaartoyda Xili Ciyaareedkan Kubbad Dhiibista Ugu Badan Ka Sameeyay Premier Leaque? Waase Kuwee Liiska Xidigaha Sameeyay Taakalkii Ugu Badnaa?

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Nov 29, 2016

Waxaa ilaa hadda la ciyaaray 13 kulan oo ka tirsan 38ka kulan ee uu xili ciyaareedka Premier Leaque-gu ka kooban yahay, balse waxaa haddaba jira ciyaartoy wax qabad wayn ka sameeyay kulamadii ilaa hadda la ciyaray. Marka ay noqoto ciyaartoyda kubbad dhiibista ugu badan sameeyay ayuu hogaaminayaa kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson wuxuuna sidoo kale hogaaminayaa xidigaha bixiyay kubbad dhiibista ugu badan ee guulaystay.henderson

Waxaana ku soo xiga xidiga kooxda Manchester City ee Fernandinho halka N’Golo Kante, Paul Pogba iyo Drink Water ay qayb ka yihiin liiskan. Henderson ayaa ilaa hadda xili ciyaareedkan bixiyay 1,132 baas ama kubbad dhiibiseed waxaana ku soo xiga Fernandinho oo bixiyay 940 baas halka kaalinta saddexaad ugu Kante ugu jiro 864 kubbad dhiibseed.

LIISKA CIYAARTOYDA KUBBADAHA UGU BADAN KA BIXIYAY PL:aa

Markale Henderson ayaa hogaaminaya xidigaha kubbad bixinta ugu badan ee guulaysatay sameeyay horyaalka Ingiriiska, waxaana cajiib ah in uu bixiyay tiro kubbad dhiibiseed oo guulaystay oo ka badan inta uu guud ahaan ciyaartoy Premier Leaque-ga ahi bixiyay kubbad haddii ay guulaysatay iyo haddii kaleba.

Jordan Henderson gestures during Liverpool's 2-0 win over Sunderland on Saturday

Henderson ayaa bixiyay 997 kubbad dhiibiseed oo guulaystay waana tiro ka badan 940 ka baas ee uu guud ahaan bixiyay Fernandinho oo xidiga labaad ah laakiin Fernandinho ayaa bixiyay 808 baas oo guulaystay.

LIISKA CIYAARTOYDA KUBBAD BIXINTA  UGU BADAN  EE GUULAYSTAY KA BIXIYAY PL:aaa

Xidiga kooxda Everton ee Idrissa Gueye  ayaa wali hogaaminaya ciyaartoyda taakalka ugu badan xili ciyaareedkan sameeyay wuxuuna ilaa hadda sameeyay 60 taakal laakiin markale Henderson ayaa kaalinta labaad ka galay ciyaartoyda taakalada ugu badan ilaa hadda sameeyay wuxuuna kabtanka Reds sameeyay 53 taakal halka Danny Drinkwater uu sameeyay 49 taakal isla markaana uu kaalinta saddexaad ku jiro.gayya

LIISKA CIYAARTOYDA TAAKALADA  UGU BADAN KA BIXIYAY PL:aab

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. Sakariye Hassan 30-11-2016 at 12:01 pm - Reply

    Waxaa u maleynaa in qofka qoray ciyaaraha aan la socon lababa meesha waad ka saarteen in Özil uu yahay boqorka baaska koscielny yahay Dafacyada ugu fcn xiligan EPL ka tackle ka loolz

Leave A Response