Warbixin: Thiago Alcantara Oo Aad Loola Xiriirinayo Real Madrid

Real Madrid waxa ay dooneysaa in ay Bayern Munich kala soo wareegto laacibka khadka dhexe ee reer Spain Thiago Alcantara.

Thiago waxa uu Bayern ku sugnaa ilaa 2013 oo uu Pep Guardiola geeyey balse waxa uu haatan ku soo laaban karaa Spain.

Sida laga soo xiganayo Sky Sports, Real Madrid ayaa xiiseeneysa laacibka hadda.

Thiago ayaa la sheegay in uu ahaa ciyaaryahanka qura ee Julen Lopetegui ka codsaday Real in ay keenaan markii laga magaacay.

Tababaraha Madrid waxa uu Thiago kala soo shaqeeyey xulka qaranka Spain.

Warkan waxa uu imaanayaa xilli mustaqbalka Modric uu mugdi galay.

Madrid aad ayey u dooneysaa in ay ceshato Modric kaddib markii ay bexeen Mateo Kovavic iyo Cristiano Ronaldo.

Thiago waxaa lagu daray tiro xiddigo la sheegay in ay ka tagayaan Bayern Munich.

Hase ahaatee, waxaa la fahansan yahay in Bayern haysan doonto haddii aysan ku helin dhaqaale xoog leh.

Waxaa lala xiriirinayey in uu ku laabto Barcelona laakiin waxa ay iibsadeen Arturo Vidal iyaga oo xiiseenaya Adrien Rabiot iyo Paul Pogba.