Warbixin: Roman Abramovich Oo Qorshe Cajiib Ah U Dajiyay Sidii Uu Kusoo Xerogalin Lahaa Cristiano Ronaldo.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Sunday, Jun 18, 2017

Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa si dhaqso leh u qorsheeyay in Chelsea la keeno xidiga ugu wanaagsan kubadda cagta waqtigaan Cristiano Ronaldo kaas oo ka gadoodsan kooxdiisa Real Madrid sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska.

Ninka reer Russia ee saliida ka taajiray ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo saxiixa weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo si uu Antonio Conte ugu qanciyo inuu sii joogo garoonka Stamford Bridge.

Abramovich uma suurgaleyso inuu rikoorka aduunka kusoo qaato Ronaldo isla markaana uu keeno London si uu Antonio Conte ugu qanciyo, balse wuxuu u adeegsan karaa Eden Hazard kaas oo muddo badan bartilmaameed u ahaa Real Madrid.

Sida ay sheegayaan warbaahinta Spain iyo Portugal – Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu isaga tago Real Madrid isagoo ka careysan habka ay ula dhaqmeen waaxda canshuuraha kuwaas oo ku eedeeyay xidigaan inuu khiyaamay aduun dhan 14.7 Malyan oo Euro.

Abramovich go’aankiisa waa mid suuragali kara balse wuxuu tartan xoogan kala kulmi karaa Man United, kooxaha Shiinaha iyo Paris Saint Germain kuwaas oo dhamaan damacsan adeegga xidigan heerka caalami.

32-jirkaan wuxuu mar kale noqon doonaa rikoorka ugu qaalisan dunida hadii Real Madrid ay awood u heli weyso ine kusii celiso garoonka Santiago Bernabeu – walow lasoo warinayo iney geed walba u fuuli doonto sidii uu ku joogi lahaa caasimadda.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments