Warbixin: Real Madrid Oo Aan Wali Is Dhiibin,Courtois Oo Qish Riday Iyo Dhaq Dhaqaaqyadii Ugu Dambeeyey Ee Hazard Iyo Bernabeu

Real Madrid ma ogola in ay qirtaan ku guuldarreysigigoodii ahaa ku soo xero galinta Edin Hazard £200million.

Hadda tababaraha Chelsea Maurizio Sarri waxa uu ku adkeysanayaa in kooxdiisa diidi doonto dalab kasta oo loo soo bandhigo si Hazard looga iibsado.

Laakiin madaxda Madrid waxaa ka go’an in Edin Hazard u buuxiyo booskii uu Cristiano Ronaldo banneeyey.

Hadda waxaa lagu wadaa in Real Madrid ay sare u qaado dalabkii hore ee ay Hazard ka soo gudbisay £150m oo ay gaarsiiso £200m.

Hazard oo diidan in uu saxiixo heshiis cusub oo uu ku qaadanayo £300,000 ayey ka go’an tahay in uu tago waxa uuna arintaas kala hadlay tababaraha.

Chelsea dhawaan ayey Real Madrid £35m uga iibisay Thibaut Courtois kaas oo ka hadlay xiriirka kala dhexeeya Hazard.

“Hazard wuu iigu hambalyeeyey u saxiixiddii Real Madrid,” ayuu yiri goolwalaha Belgium-ka ah.

“Waa ciyaaryahan wanaagsan waxaana jeclaan lahaa in mar walba aan dhiniciisa ahaado, aan aragno waxa dhaca mustaqbalka.

“Haddii uu Real yimaado waxa ay ahaaneysaa wax wanaagsan.”