WARBIXIN: Min Gianluigi Buffon, Ibrahimović, Fabregas Ilaa Rivaldo- Wax Badan Ka Ogow Liiska Ciyaartoyda Kulamada Ugu Badan Ama Goolasha Ugu Badan Soo Dhaliyay Ee Aan Ku Guulaysan UCL.

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Feb 7, 2018

Iyada oo daaqad laga arkayo xiisaha kulamada wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League isla markaana uu soo dhamaanayo waqtigii dheeraa ee tartankan la sugayay, ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xog la xidhiidha ciyaartoyda kulamada ugu badan ka soo ciyaaray tartankan iyaga oo aan waligood kooba ku guulaysan iyo waliba xidigaha goolasha ugu badan ka soo dhaliyay UEFA Champions League iyaga oo aan taaban koobka dhegaha wayn ee UEFA Champions League.

Waxaa jira ciyaartoy magac wayn ku leh kubbada cagta ama hore magac wayn ugu soo yeeshay balse aan abid ku soo guulaysan koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League. Haddaba waxaanu halkan idiinku soo koobaynaa liisaska ciyaartoyda aan soo sharaxnay.

Waxaa liiska ma guulaystayaasha UEFA Champions League ku jira Zlatan Ibrahimović oo 124 kulan ka soo ciyaaray tartankan balse aan abid ku soo guulaysan inkasta oo uu kaalinta 12 aad kaga jiro ciyaartoy abid kulamada ugu badan ka soo ciyaaray Champions League.

Goolhayaha halyayga ah ee Gianluigi Buffon oo 121 kulan ka soo ciyaaray Champions League ayaa ka mid ah ciyaartoyda aan abid ku soo guulaysan koobkan wuxuuna kaalinta 13 aad kaga jiraa ciyaartoyda abid ugu safashada badan isaga oo xili ciyaareedkii hore u muuqday in uu ka baxayo abaartan balse Real Madrid ayaa ka diiday.

124 Kulan oo UCL (Kaalinta 12 aad ee safashada ugu badan): Zlatan Ibrahimović (Ajax, Juventus, Inter Milan, Barcelona, AC Milan, Paris, Man. United )

121 Kulan oo UCL (13 aad ee safashada ugu badan): Gianluigi Buffon (Parma, Juventus)

109 Kulan oo UCL (=26 aad ee safashada ugu badan): Olexandr Shovkovskiy (Dynamo Kyiv)

108 Kulan oo UCL (=28 aad ee safashada ugu badan ): Cesc Fàbregas (Arsenal, Barcelona, Chelsea)

107 Kulan oo UCL(=31 aad ee safashada ugu badan ): Roar Strand (Rosenborg)

97 Kulan oo UCL(=44 aad ee safashada ugu badan): Sergei Ignashevich (Lokomotiv Moskva, CSKA Moskva)

97 Kulan oo UCL(=44 aad ee safashada ugu badan): Maxwell (Ajax, Inter Milan, Barcelona, Paris)

96 Kulan oo UCL(=45 aad ee safashada ugu badan): Michael Ballack (Kaiserslautern, Leverkusen, Bayern, Chelsea)

Laakiin Michael Ballack ayaa ah kan ugu naasiibka xun isaga oo laba jeer soo gaadhay finalka UEFA Champions League isla markaana laba kooxood oo kala duwan la soo gaadhay balse markasta joogay dhinaca guuldaraystay waxayna kala ahaayeen Bayer Leverkusen (2002) iyo Chelsea (2008).

Haddii aan intaas ku soo dhaafno xidigahan, aan markale idiin soo gudbino liiska ciyaartoyda goolasha ugu badan ka soo ka soo dhaliyay Champions League ee aan abid haddana koobkan ku soo guulaysan. Halkan kaga bogo liiskan oo dhamaystiran.

60 Gool (4 aad ee goolasha Abid Ugu badan): Ruud van Nistelrooy (PSV, Man. United, Real Madrid)

49 Gool(=9 aad ee goolasha Abid Ugu badan): Zlatan Ibrahimović (Ajax, Juventus, Inter Milan, Barcelona, AC Milan, Paris, Man. United)

43 Gool(14 aad ee goolasha Abid Ugu badan): Robert Lewandowski (Dortmund, Bayern)

36 Gool(17 aad ee goolasha Abid Ugu badan): Sergio Agüero (Atlético Madrid, Man. City)

32 Gool(=22 aad ee goolasha Abid Ugu badan): David Trezeguet (Monaco, Juventus)

31 Gool(=24 aad ee goolasha Abid Ugu badan): Edinson Cavani (Napoli, Paris)

31 Gool (=24 aad ee goolasha Abid Ugu badan): Serhiy Rebrov (Dynamo Kyiv)

29 Gool (32 aad ee goolasha Abid Ugu badan): Roy Makaay (Deportivo La Coruña, Bayern)

28 Gool(=33 aad ee goolasha Abid Ugu badan): Hernán Crespo (Parma, Lazio, Inter Milan, Chelsea, AC Milan)

28 Gool (=33 aad ee goolasha Abid Ugu badan): Mário Jardel (Porto, Galatasaray)

28 Gool  (=33 aad ee goolasha Abid Ugu badan): Jean-Pierre Papin (Marseille, AC Milan, Bayern)

20 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Carafad 08-02-2018 at 4:01 pm -

    Waxaaan la yaabanahay dadkan iska qaylinaya xagee ku qoran tahay john terry ama carick

  2. Odey Soomaaliyeed 08-02-2018 at 1:32 pm -

    horta qofka wax so qoraye marka hore wax badan kubada ha ka ogaado shavshenko 2003 Acmilan manu ahayn ciyaar yahanki goalka rigoore ugu danbayey ka dhalinayey Rovaldo marka ciyaar yahan Milan ah bu aha la cadey champion leugea labadoduba

  3. Ahmed Nour Kalgacal 08-02-2018 at 11:46 am -

    1-Papin (Ac Milan 1994)
    2-Maxwell (Barcelona 2011)
    3-Guti (Real Madrid 2002)
    4-Rivaldo (Ac Milan 2003)
    5- John Terry (Chelsea 2012)
    Liiska aad kusoo dartay shantaan qof wuu qaldan yahay ragaan way ku guuleysteen UCL.

  4. mahammed 08-02-2018 at 11:06 am -

    in an hadalno miyad ugu talagasheen mise waa idinka dhab waaxaad soo qorteen

  5. Beenasletaal 08-02-2018 at 10:18 am -

    Rivaldo 2003 markaas xageed jirtay. Terry 2012 carrick 08

  6. abdi 08-02-2018 at 9:23 am -

    micheal carrick mesha kuma qornee waxaa ku qoran micheal ballack

  7. moha 08-02-2018 at 9:12 am -

    Hhhh Alaxis iyo zlntka bu sanndkn by ka qaxayaan liiiska madow zlnta Ibro waa chance igu dambyy ee noloshii ee uu ku ciyaaro champoins lgue wxn filyaa in ay man utd noqon doonto champoins 10 sanno ka dib wxn qba hdyna xitaa qaaadin in noqon doonto naaadiga ugu dambyya ee England ee tartanka ka soo hdha kuwa 16 ku hadhaya chelsea liverpool 8 ku hdhya tottehm man city 4 man utd at least

  8. Abdifatah boss 08-02-2018 at 7:54 am -

    Waxa aad qoreysaan kafiirsada rivaldo 2003 ac milan buu laqaaday terry 2012 chelsea buu laqaaday

  9. Mohamed hilowle 08-02-2018 at 7:35 am -

    Terry wuu ku soo guulaytay isa saxa kkk wabaa is ka soo qoraysaan

  10. Anwar cade 08-02-2018 at 7:22 am -

    War hedhahaya qaladka qabta ee xolo ma nomaleysan ta daya polo yin yahow

  11. ilyas 08-02-2018 at 7:18 am -

    rivaldo champions league wuu qaaday 2003 Milan final old Trafford

  12. Abdirahman 08-02-2018 at 6:21 am -

    Hadii aad sidaan wax u qoreysaan bahda laacib waa dhaxdhaxaad ma ahi Jon Terry waa ku qaldantey Ka saar war kuma maguuleyste UEFA CHAMPIONS . Caradii Watford aan ka qaadnay in aan tan laacib aa nooga daran hadaanahay blues

  13. Muniir 08-02-2018 at 5:55 am -

    😂😂Zxp ma waxd noo malyseen Xoolo Aad Ka caqli bdnthiin mrkd Carrick Iyo Terry noogu soo drysan Isku xishoda nio idinkaba Jaahiliina Dib isugu Laabta

  14. arseee 08-02-2018 at 5:47 am -

    Khayr allaa ah idiinsiiyo waad naga qabateen markan arkay john Terry waan yabaayba

  15. Kabtan ramos 08-02-2018 at 5:03 am -

    Waxan oo kale waa ceeb wlh warbixin Dad Bdn aqrisanayan in beeen lagu daro War maawaxa
    Mooday inan ka qibrad yarnahy mrkn ka yelayo Terry iyo carrick champion ma qaadin

  16. Macangag 08-02-2018 at 2:13 am -

    Meesha been ayay kuqoraan sxbayaal beenta dadka kadaaya

  17. Mudug Boy 08-02-2018 at 1:27 am -

    Batalale waa tageere arsenal ah John Terry maxaa u xaasiday 🤣🤣

  18. abdirahman 08-02-2018 at 1:01 am -

    terry 2012 ku qor dee xageed uga qaaday biladaas nooh

  19. Elias 08-02-2018 at 12:25 am -

    John Terry wa ku guuleystay 2012 Bayern München vs Chelsea

  20. Cimraan 08-02-2018 at 12:04 am -

    Sxb Terry wuuku guulaystay