WARBIXIN: Mikel Arteta Oo Durba Kasii Fakaraya Shaqsiga Noqonaya Caawiyahiisa Hadii Uu Helo Xilka Tababaranimo Ee Arsenal.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, May 16, 2018

Caawiyaha Manchester City Mikel Arteta ayaa ugu cad-cad inuu badal u noqdo Arsene Wenger kaas oo 22-sano kadib isaga tagay kooxda ka dhisan waqooyiga London, xidigii hore Gunners wuxuu durba kasii fakarayaa shaqsiga dhinaciisa fadhiiisan lahaa.

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska kabtankii hore Arsenal Mikel Arteta wuxuu doorbidayaa in Santi Cazorla uu ka mid noqdo shaqaalahiisa tababarka isla markaana ay isku dayaan iney guulo wax ku ool ah gaaraan.

Dhawr tababare ayaa sidoo kale lala xiriirinayay Arsenal balse wax walba waxey kusoo biyo shubteen Mikel Arteta maadaama Joachim Low uu qandaraas cusub u saxiixay xulka Jarmalka.

Sidoo kale Max. Allegri ayaa shaaca ka qaaday inuusan meelna uga socon Juventus ilaa ay maamulka kooxda shaqada ka ceyriyaan halka wali si hoose kooxda loola xiriirinayo Julian Nagelsmann.

Mikel Arteta oo 36-jir ah ayaa ku faraxsan inuu ku fariisto kursigii Arsene Wenger, kaas oo April sanadkaan ku dhawaaqay inuu ka guurayo Emirates Stadium.

Jamaahiirta Gunners ayaan si weyn ugu qanacsaneyn Mikel Arteta maadaama uu yahay macalin da’yar oo aan shaqooyin waaweyn soo qaban walow dhawr macalin oo yurub iyo aduunkaba taariikh ka sameeyay ay waqtigoodii hore heleen kooxo aamina.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. mohamed mohidiin 16-05-2018 at 5:24 pm -

    waaw waa shaqsi leh karti iyo hàmi fog waana soo dhoweyneyaa