WARBIXIN: Maxaad Kala Socotaa Sheekada Layaabka Leh Ee AS Monaco? Qaabkii Uu Claudio Ranieri Heerka Labaad Uga Soo Saaray Iyo Halka Ay Ku Danbeeyeen Ciyaartoydii Koobka Heerka Labaad Ku Soo Guulaystay.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, May 18, 2017

Kooxda AS Monaco ayaa xalay si rasmi ah loogu caleemo saaray koobka horyaalka France kadib markii ay soo gabagabaysay guulihii xidhiidhka ahaa ee ay PSG koobkan ugu soo guulaystay afartii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay. Waxayna AS Monaco awooday in ay markii ugu horaysay koobkan ku guulayato muddo 17 sanadood ah. Laakiin maxaad kala socotaa sheekada xiisaha badan ee ku duugan guusha Monaco iyo qaabka ay uga kabsatay in ay heerka labaad u dhacday xili ciyaareedkii 2010/2011 kii?.

Xili ciyaareedkii 2003/2004 kii AS Monaco ayaa soo gaadhay finalka Champions Leaque-ga laakiin waxay guuldaro kala kulantay kooxda ree Portugal ee FC Porto, waxayna Monaco markaas ka ciyaaraysay heerka ugu sareeya kubbada cagta yurub iyada oo sidoo kale koobka horyaalka France ku soo guulaystay xili ciyaareedkii 1999/2000 kii.

Laakiin sheekada ayaa noqotay mid si xun isku badashay xili ciyaareedkii 2010/211 kii markaas oo ay AS Monaco u dhacday horyaalka heerka labaad ee France kadib markii ay ku fashilantay in ay baaqi ku sii ahaato Ligue 1. Laakiin halkan ayay ka bilaamaysaa sheeko xiiso badan oo ah qaabka layaabka leh ee ay waqti kooban Monaco dib ugu soo laabtay heerkii ugu sareeyay ee ay ka ciyaaraysay.

Mulkiyadii Monaco ayuu iyada oo heerka labaad ku jirta la wareegay bilyanneerka dalka Ruuska u dhashay ee Dmitry Rybolovlev kaas oo sabab wayn u noqday in Monaco ay noqoto kooxda ay maanta tahay. Dmitry Rybolovlev ayaa Monaco iibsday sanadkii 2011 kii iyada oo markaas heerka labaad u dhacday.

Laakiin tababare Claudio Ranieri ayaa noqday macalinkii Monaco ka soo saaray heerka labaad isla markaana keenay horyaalka France ee ay xalay ku guulaystay. Monaco ayaa xili ciyaareedkii 2011/2012 ku qaadatay horyaalka heerka labaad ee Ligue 2 waxayna awoodi wayday in ay ka soo baxdo laakiin xili ciyaareedkii 2012/2013 ayuu Ranieri kooxdan ku hogaamiyay in ay ku guulaysato koobka Ligue 2 isla markaana uu dib ugu soo celiyay Ligue 1 ka.

Laakiin xili ciyaareedkan 2016/17 waxay sheekadu noqotay mid si layaableh isku badashay waxayna AS Monaco soo gaadhay afar dhamaadka Champions Leaque-ga iyada oo sidoo kale ku guulaystay koobka horyaalka France oo ayna ku soo guulaysan 17 kii sanadood ee ugu danbeeyay.

Haddaba halkay joogaan ciyaartoydii AS Monaco ka soo saaray heerka labaad? Imisa Ciyaartoy Ayaa Hadda Ka Sii Tirsan kooxda koobka Lique xalay ku Guulaystay? Halkan kaga bogo Liiska iyo waxa ku dhacay ciyaartoydii uu Claudio Ranieri uu Monaco sarre ugu soo qaaday. Waxaa xogtan kaga bogan kartaa kulamadii ay ciyaartydani soo safteen xili ciyaareedkii Monaco heerka labaad ay ka soo baxday iyo guud ahaan waxqabadkoodii.

Goolhaye: Danijel Subasic

2012-13 : 36 kulan

Kulamda Monaco: 233 kulan

Kooxdiisa Hadda: Monaco

Difaac: Andrea Raggi

2012-13 : 37 kulan (4 gool)

Kulamada Monaco : 189 kulan

Kooxdiisa Hadda: Monaco

Difaac: Gary Kagelmacher

2012-13 : 36 kulan (3 gool)

Kulamada Monaco : 54 kulan

Kooxdiisa Hadda: Maccabi Haifa

Difaac: Andreas Wolf

2012-13 : 21 (2)

Kulamada Monaco: 25 kulan

Kooxdiisa Hadda:  Ciyaaraha ayuu ka fadhiistay

 Difaac: Georgios Tzavellas

2012-13 : 27 kulan (2 gool)

Kulamada Monaco: 41 kulan

Kooxdiisa Hadda: Alanyaspor

Difaac: Layvin Kurzawa

2012-13 : 13 kulan (1)

Kulamada Monaco: 95 kulan

Kooxdiisa Hadda: PSG

Khadka Dhexe: Delvin N’Dinga

2012-13 : 28 kulan

Kulamada Monaco: 29 kulan

Current club: Lokomotiv Moscow

Khadka Dhexe: Nampalys Mendy

2012-13 : 35 kulan

Kulamada Monaco: 80 kulan

Kooxdiisa Hadda: Leicester City

Khadka Dhexe: Mounir Obbadi

2012-13 : 16 kulan

Kulamada Monaco: 51 kulan

Kooxdiisa Hadda: OGC Nice

Khadka Dhexe: Nabil Dirar

2012-13 : 35 kulan  (3)

Kulamada Monaco: 167 kulan

Kooxdiisa Hadda: Monaco

Weerarka: Yannick Ferreira-Carrasco

2012-13 : 30  kulan (8)

Kulamada Monaco: 103 kulan

Kooxdiisa Hadda: Atletico Madrid

Weerarka: Lucas Ocampos

2012-13 : 32  kulan (5)

Kulamada Monaco: 96 kulan

Kooxdiisa Hadda: AC Milan (Amaah ayuu kaga maqan yahay Marseille)

Weerarka: Emmanuel Riviere

2012-13 : 13  kulan (3)

Kulamada Monaco: 50 kulan

Kooxdiisa Hadda: Osasuna (Amaah ayuu kaga maqan yahay Newcastle United)

Weerarka: Ibrahima Toure

2012-13 : 40 kulan (21)

Kulamada Monaco: 56 kulan

Kooxdiisa Hadda: Unattached

Weerarka: Valere Germain

2012-13 : 38 kulan (15)

Kulamada Monaco: 196 kulan

Kooxdiisa Hadda: Monaco

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments