Warbixin: Man United Oo Qiimeyneysa Xaaladda Toby Alderweireld Xilli Mourinho Uu Dib U Cusbooneysiin Doono Daafaciisa.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Feb 13, 2018

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa iney il gaar ah ku heyso xaaladda daafaca Tottenham Hotspur Tony Alderweireld xilli Jose Mourinho uu isha ku hayo inuu dib u habeyn ku sameeyo daafaciisa.

Macalinka reer Portugal ayaan ku faraxsaneyn sida warbixinada sheegayaan hanaanka labada xidig ee reer England Cris Smalling iyo Phil Jones, waxaana la filanayaa inuu xagaaga soo aadan suuqa ka doonto xidigo xoojin kara daafaciisa.

Sidoo kale Raphael Varane iyo Harry Maguire ayaa ku jira liiska xidigaha bartilmaameedka u ah Mourinho, waxaana liiskaan ku jira Alderweireld oo kaliya 18-bilood uu kaga haray qandaraaskiisa sidoo kalana aan ku faraxsaneyn kooxda.

Jose Mourinho wuxuu dhexda kaga jiraa xaalad difaac xumo ah, inkastoo inta badan lagu eedeeyay doorashadiisa sida ay wax ku socdaa, wuxuu heli doonaa isbuuca soo aadan Eric Bailly oo kusoo laaban kara garoomada.

Tababarahii hore Blues wuxuu xagaagii laga soo gudbay damcay Eric Dier inkastoo loo deyriyay, hadana mar kale Toby ayuu damacsan yahay walow aan la ogeyn sida uu ku heli doono xidiga reer Belgium.