WARBIXIN: Kooxaha Waa Wayn Ee Yurub Oo Dareenkooda Ku Soo Jeediyay Champions Leaque-ga, 12 Kooxood Oo Kulamada Shanaad Ugu Soo Bixi Kara Wareega 16-ka Kooxood Ee UCL Iyo Kuwa Rajadoodu Dhimatay.

by Mohamoud Batalaale | Sunday, Nov 19, 2017

Kadib markii kulamadii horyaalada Yurub sabtidii la wada ciyaaray isla markaana la boobsiiyay si ay waqti fiican ugu helaan kulamada tartamada Yurub, ayay haddaba kooxaha waa wayn ee tartamada kooxaha yurub qaybta ka ahi dareenkooda ku soo jeediyeen kulamada muhiimka ah ee UEFA Champions Leaque laga ciyaari doono talaadada iyo arbacada.

Waxaa jira afar kooxood oo kaliya oo kulamadii afraad ee heerka Groupyada Champions Leaque ku xaqiijistay booskooda wareega 16 ka kooxood, laakiin kulamada shanaad ee la ciyaari doono waxaa soo bixi kara 12 kooxood iyada oo ku xihdan natiijada kulamada la ciyaari doono.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xogta Champions Leaque ee ka hor kulamada shanaad ee heerka groupyada ee la filayo in kooxo badani ay wareega xidiga ugu soo bixi karaan halka haddii kulamada shanaad ay ku soo bixi waayaan ay sugi doonan kulamada heerka groupyada ugu danbeeyay ee lixaad.

Kooxaha Wareega 16 Ka Kooxood U Soo Baxay: Paris Saint-Germain, Bayern München, Manchester City, Tottenham Hotspur

Waxa kaliya ee PSG, Bayern Munich, Man City iyo Tottenham u hadhsan ayaa ah in ay xaqiijistaan in kaalmaha kowaad ay kaga soo baxaan groupyadooda taas oo iyada lafteedu mid muhiim u ah laakiin waxay kulamadii afraad ee la soo ciyaaray waqtigii ugu danbeeyay ee UCL ay ku soo xaqiijisteen ka qayb galkooda wareega 16 ka kooxood ee UCL.

12 Ka Kooxood Ee Kulamada Shanaad Ee UCl Ugu Soo Bixi Kara Wareega 16-ka Kooxood: Manchester United, Basel, Roma, Chelsea, Barcelona, Juventus, Sevilla, Liverpool, Shakhtar Donetsk, Beşiktaş, Porto, Real Madrid.

Iyada oo natiijada kulamada shanaad ay aad muhiim ugu yihiin kooxo badan oo wali rajo ka qaba in wareega xiga ay u soo bixi karaan, waxaa suurtogal noqon karta in kulamada lixaad aan laysla gaadhin haddii ay suurtogal u noqoto kooxaha sare in ay natiijo fiican helaan.

Kooxaha Ka Quustay In Ay Wareega Xiga U Soo Bixi Karaan: Celtic, Anderlecht, Feyenoord

Ilaa hadda kooxaha Celtic, Anderlecht iyo Feyenoord ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in ay ka hadheen Champions Leaque laakiin kooxo badan ayaa quus sii noqon doona marka la ciyaaro kulamada shanaad ee UCL.

Halkan kaga Bogo Groupkasta kooxaha ku jiraa dhibcaha ay Haystaan Ka Hor Kulamada Shanaad Ee heerka Groupyaa Champion Leaque iyo waliba qaabka kulamada shanaad loo wada ciyaari doono.

Group A: CSKA Moskva (6 points) v Benfica (0), Basel (6) v Manchester United (12)

Group B: Paris Saint-Germain (12) v Celtic (3),    Anderlecht (0) v Bayern München (9)

Group C: Qarabağ (2) v Chelsea (7),                      Atlético Madrid (3) v Roma (8)

Group D: Juventus (7) v Barcelona (10),                Sporting CP (4) v Olympiacos (1)

Group F: Napoli (3) v Shakhtar Donetsk (9),         Manchester City (12) v Feyenoord (0)

Group E: Spartak Moskva (5) v Maribor (1),          Sevilla (7) v Liverpool (8)

Group G: Beşiktaş (10) v Porto (6),                         Monaco (2) v RB Leipzig (4)

Group H: B. Dortmund (2) v Tottenham (10),        APOEL (2) v Real Madrid (7)