Warbixin: Kooxaha Chelsea Iyo PSG Oo Isku Garbinaya Daafaca Mushaarkiisa Ay Milan Dhintay Leonardo Bonucci

Chelsea iyo Paris Saint-Germain have waxaa lagu soo waramayaa in ay xiiseenayaan saxiixa daafaca AC Milan Leonardo Bonucci.

Kooxda ka dhisan Italy waxa ay dhexda uga jirtaa muran lahaansho kaddib laba sano wax ka yar markii ay milkeyedeeda la wareegeen maalqabeenada Chinese consortium.

Taas natiijadii ka dhalatay ayaa noqotay in la dhimo mushaarkii Bonucci   si ay kooxda uga bad baado ganaax uga yimaado FIIFA oo ilaalieysaa nidaamka dhaqaalaha xadida ee Financial Fair Play-ga loo yaqaan.

Sida laga soo xiganayo Corriere dello Sport, Chelsea iyo PSG ayaa doonayaa saxiixa Bonucci.

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in Maurizio Sarri, kaas loo la fahansan yahay in uu Stamford Birdge ka bedelo Antonio Conte uu daafaca Italy u arko mid laf dhabar gaashaandhiggiisa u noqon doona.

Chelsea dhawr xagaa oo hore ayey iski dayday saxiixa Bonucci, hase  ahaatee uma suurtagalin.

Dhinaca kale, UEFA waxa ay ganaax ku rideen AC Milan oo laga mamnuucay la qeybgalka tartamada Europe in muddo  kaddib markii ay ku xad gudubtay nidaamka dhaqaalaha xadida.