WARBIXIN: Kiiska Cashuur Lunsiga Horyaalka Spain Dhibaatada Ku Noqday Oo Lugaha La Soo Galay Cristiano Ronaldo Iyo Xidiga Ree Portugal Oo Baadhitaan Lagu Samaynayo

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Dec 1, 2016

Qaar badan oo ciyaartoyda horyaalka Spain ka mid ah isla markaana u badan ciyaartoyda kooxda Barcelona ayaa maxkamad loo horkeenay in ay lunsadeen cashuuro waxaana ciyaartoydan ka mid ahaa Lionel Messi, Mascherano iyo kiiska aan dhamaadka lahayn ee Neymar JR kuwaas oo dhibaato wayn ku noqday horyaalka La Ligaha. Waxaa jiray ciyaartoy badan oo baadhitaano lagu sameeyay iyo kuwo kale oo lagu daba jiro.

Laakiin waxay markan soo gaashay xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo oo lagu eedeeyay in uu lunsaday cashuur malaayiin ah isla markaana uu wada shaqayn la yeeshay shirkad xuquuqda sawirada iyo xayasiinta qaabilsan oo laga leeyahay dalka  Republic of Ireland oo magaceeda la yidhaa  Multisports & Image Management Ltd. (MIM) taas oo xidigan lacago badan uga soo xaraysay wadamada galbeedka Yurub oo ay cashuurtoodu ka hoosayso Spain taas oo ah boqolkiiba 12.5%.ronaldo1

Shirkadan ay Ronaldo wada shaqaynta leeyihiin ayaa sawiradiisa u adeegsatay in ay xayasiin u samayso shirkadaha  Nike, Toyota, KFC, Unilever iyo  Konami wuxuun awarku sheegayaa in Ronaldo uu shirkadan wada shaqaynta ula yeeshay si uu uga fogaado cashuurta boqolkiiba 43.5% ah ee Spain taas oo aad uga badan 12.5% uu doortay.

Sida uu sheegay wargayska Marca ee Madrid ka soo baxaa Ronaldo ayaa baadhitaan lagu samayn doonaa waxaana la filayaa in faldanbiyeed lagu soo oogo isla markaana uu maxkadamada ka soo muuqan doonto taas oo haddii danbigan lagu helo keeni doonta ganaax iyo in uu lacagtii cashuurta ahayd bixiyo.

Afhayeen u hadlay Ronaldo ayaa sheegay in xidiga ree Portugal uu tan iyo bilawgiisii ka warqabay waajibaadka cashuurta isla markaana aanu waligii wax dhibaato ah u soo marin balse in xuuqda sawiradiisa laga adeegsaday shirkado kale iyo wadamo kale oo Spain ka baxsan isla markaana aanu cashuur ka bixin ayaa ah danbiga baadhitaankiisa la samaynayo.

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. Layaab ma dhamaado 01-12-2016 at 8:53 pm - Reply

    Oo nimanyow waxan idin weydiyey metelan hadiiba a an hada anigu meheradayda hargeysa Ku taala a an Ku dhejiyo boodh xayaysiosa oo sawirka cr7 ah isagana San metelanba u sheego inaan sidaa yeelayo aan spainba ugu tago ama a an telkisaba heloo LA hadlee markaa Spain halka ma lacagba ugu jirta oo nagu khasaba ilayn anigu spainba meherad kuma lihi badeecadna uma iib geeyee war ilayn layaab ma dhamaado

Leave A Response