WARBIXIN: Kadib Musiibada Dhaawcyada Ah Ee Man United Ku Habsatay, Kulamo Xidhiidh Ah Oo Red Devils Ay Halis Wayn Ugu Jirto In Ay Ku Seegto U Soo Bixitaanka Champions Leaque-ga.

by Mohamoud Batalaale | Friday, Apr 21, 2017

Manchester United ayaa wali haysata laba fursadood oo ay ugu soo bixi karto kubbada cagta Champoins Leaque-ga xili ciyaareedkan soo socda, laakiin labadan fursadood ayaa halis wayn gali kara waxayna kooxda Jose Mourinho seegi kartaa in ay ka soo muuqato tartanka xiisaha badan ee Champions Leaque-ga. Manchester United ayaa dhexda kaga jirta musiibo dhaawacyo ah iyada oo waliba lagu jiro waqtigii xili ciyaareedka koox kasta qeexi lahaa.

Manchester United ayaa soo gaadhay afar dhamaadka Europa Leaque-ga laakiin waxay ku soo wayday laba xidig oo kooxda Mourinho muhiim ka ahaa oo kala ah Zlatan Ibrahimovic oo inta xili ciyaareedkan ka hadhay seegaya iyo Marcos Rojo oo laga dhex qaaday isla kulankii Anderlecht.

Tababare Mourinho ayaa sheegay in kooxdiisu ay ku jirto musiibo, laakiin warka ugu wayn ayaa ah in Manchester United ay ciyaari doonto kulamo adag isla markaana si cad u qeexi doona haddii ay fursad u heli doonto u soo bixitaanka Champions Leaque-ga.

Manchester United ayaa axada booqan doonta Burnley iyada oo ay ka maqan yihiin Zlatan Ibrahimovic, Marcos Rojo, Chris Smalling, Phil Jones iyo Jaun Mata. Mourinho ayaa markan ku qasban in uu ku tiirsanaado xidigaha uu fursada u soo diiday ee Wayne Rooney iyo Anthony Martial balse dhibata ugu wayn ayaa noqon doonta dhinaca difaaca dhexe oo ay taam yihiin kaliya Eric Bailly iyo Daley Blind.

KULAMADA MAN UNITED U HADHSAN IYO TAARIIKDA AY CIYAARI DOONTO:

TaariikhdaWaqtiga (BST)KooxdaTartanka
Axad, April 2314:15Burnley (marti)Premier League
Khamiis, April 2720:00Manchester City (Marti)Premier League
Axad, April 3012:00Swansea City (Minan)Premier League
khamiis, May 420:05Celta Vigo (marti)Europa League
Axad, May 716:00Arsenal (Marti)Premier League
Khamiis, May 1120:05Celta Vigo (Minan)Europa League
Axad, May 1416:30Tottenham (Marti)Premier League
Arbaca, May 1719:45Southampton (marti)Premier League
Axad, May 2115:00Crystal Palace (Minan)Premier League
Arbaca, May 2419:45finalka Europa LeaqueEuropa League

Manchester United ayaa khamiista April 27 booqan doonta kooxda ay dariska yihiin ee Manchester City waana kulan saamayn wayn ku yeelan doona haddii ay Red Devils sii wadan doonto rajada ay ka qabto inay afar kaalmood ee ugu sareya ku dhamaysan doonto  waxaana u raadi doona kulanka Celta Vigo ay marti ugu noqon doonto Spain oo isna saamayn wayn ku yeelan kara dhinaca Europa Leaque-ga.

Laakiin Manchester United ayaa axada May 7 iyo Khamiista May 11 la kala ciyaari doonta kooxaha Arsenal iyo Celta Vigo waana laba kulan oo kale oo saamayn wayn ku yeelan kara labada fursadood ee ay Man United ku raadinayso in ay Champions Leaque-ga guu soo laabto. Blase sidoo kale saamayn ku yeelan kara kulamada ay la ciyaari doonto kooxaha Tottenham iyo Southampton oo ay labadaba marti u noqon doonto.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments