WARBIXIN: Kadib Liiska 55-ka Ciyaartoy Ee Ku Soo Baxay Ciyaartoyda Laga Soo Xulan Shaxda Kooxda Aduunka Ee FIFA World 11 2016, Horyaalkee Ciyaartoyda Ugu Badan Ku Leh?

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Dec 1, 2016

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska 55 ka ciyaartoy ee sanadkan u sharaxan shaxda kooxda aduunka ee FIFA FIFPro World11 2016. Ururuka ay ku midaysan yihiin ciyaartoyda aduunka ee FIFPro iyo FIFA ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay 55 ka ciyaartoy ee iskugu soo hadhay shaxda 11 ka ciyaartoy ee sanadkan 2016 aduunka ugu fiican, waxaana ka soo qayb qaatay 25,000 kun oo ciyaartoy oo ka kala tirsan 75 wadan oo aduunka oo dhan ah.fifpro1

Ciyaartoy kasta oo ka mid ah 25000 kun ee codbixintan ka qayb qaatay ayaa soo xulanayay hal goolhaye, afar difaac ah, saddex dhex ah iyo saddex weerar ah taas oo ugu danbayn laga soo saaray 55 kii ciyaartoy ee tirada codka ugu badan ka helay xirfadlayaasha kubbada cagta aduunka ee 75 ka wadan laga sameeyay. FIFPRo oo ah ururka mideeya ciyaartoyda kubbada cagta aduunka ayaana masuul ka ah in ay codbixinta ka soo ururiyaan ciyaartoyda oo  dhan si ay u soo xushaan shaxda aduunka ugu fiican.

Haddaba horyaalkee ciyaartoyda ugu badan ku leh 55ka ciyaartoy ee laga soo xulan doono shaxda 11 ka ciyaartoy ee aduunka ugu fiican? Shabakada Laacib.net ayaa halkan idiinku soo kala saartay horyaalada ay ka soo kala jeedaan 55 ka ciyaarty iyo sida loogu kala badan yahay.

Horyaalka Spain gaar ahaan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa ah horyaalka ciyaartoyda ugu tirada badan ka helay liiska 55 ka ciyaartoy ee laga soo xulan doono shaxda aduunka ugu fiican wuxuuna La Ligaha qayb u helay 22 ciyaartoy halka horyaalka Premier Leaque-gu uu helay 15 ciyaartoy. Horyaalka Germany ee Bundesliga, Italy ee Serie A iyo France ee Ligue 1 ayaa helay 9,6 iyo 3 ciyaartoy sida ay u kala horeeyaan.

QAABKA AY HORYAALADU U KALA HELEEN LIISKA CIYAARTOYDA LAGA SOO XULAN DOONO SHAXDA KOOXDA ADUUNKA UGU FIICAN:

LA LIGA (22):Keylor Navas (Costa Rica/Real Madrid),Jordi Alba (Spain/FC Barcelona), Daniel Carvajal (Spain/Real Madrid),Diego Godín (Uruguay/Atlético Madrid),  Marcelo (Brazil/Real Madrid), Javier Mascherano (Argentina/FC Barcelona), Pepe (Portugal/Real Madrid), Gerard Piqué (Spain/FC Barcelona), Sergio Ramos (Spain/Real Madrid),Raphaël Varane (France/Real Madrid),Sergio Busquets (Spain/FC Barcelona),Andrés Iniesta (Spain/FC Barcelona), Toni Kroos (Germany/Real Madrid), Luka Modrić (Croatia/Real Madrid),  Ivan Rakitić (Croatia/FC Barcelona),  Gareth Bale (Wales/Real Madrid), Karim Benzema (France/Real Madrid), Cristiano Ronaldo (Portugal/Real Madrid), Antoine Griezmann (France/Atlético Madrid), Lionel Messi (Argentina/FC Barcelona),  Neymar (Brazil/FC Barcelona), Luis Suárez (Uruguay/FC Barcelona).

PREMIER LEAQUE (15): Claudio Bravo (Chile/Manchester City),David de Gea (Spain/Manchester United),Héctor Bellerìn (Spain/Arsenal),David Luiz (Brazil/Chelsea),Kevin De Bruyne (Belgium/Manchester City), Eden Hazard (Belgium/Chelsea),N’Golo Kanté (France/Leicester City/Chelsea) ,Mesut Özil (Germany/Arsenal), Dimitri Payet (France/West Ham United), Paul Pogba (France/Manchester United), David Silva (Spain/Manchester City), Sergio Agüero (Argentina/Manchester City), Zlatan Ibrahimović (Sweden/Manchester United), Alexis Sánchez (Chile/Arsenal) iyo Jamie Vardy (England/Leicester City).

BUNDESLIGA (9):Manuel Neuer (Germany/FC Bayern Munich), David Alaba (Austria/FC Bayern Munich), Jérôme Boateng (Germany/FC Bayern Munich),  Mats Hummels (Germany/FC Bayern Munich), Philipp Lahm (Germany/FC Bayern Munich),Xabi Alonso (Spain/FC Bayern Munich), Arturo Vidal (Chile/FC Bayern Munich), Robert Lewandowski (Poland/FC Bayern Munich), Thomas Müller (Germany/FC Bayern Munich).

SERIE A (6):Gianluigi Buffon (Italy/Juventus),Leonardo Bonucci (Italy/Juventus), Giorgio Chiellini (Italy/Juventus), Dani Alves (Brazil/Juventus), Gonzalo Higuaín (Argentina/Juventus), Paulo Dybala (Argentina/Juventus).

LIGUE ( 3) 1:Serge Aurier (Côte d’Ivoire/Paris Saint-Germain), Thiago Silva (Brazil/Paris Saint-Germain), Marco Verratti (Italy/Paris Saint-Germain)

Like it? Share it!

Leave A Response