WARBIXIN: Kadib Goolkii Uu Taariikhda Liverpool Ku Galay Da’yarka Ben Woodburn, Siduu Jurgen Klopp Wax Uga Badalay Horumarka Xarunta Da’yarta Ee Kooxdiisa Reds?

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Nov 30, 2016

Maalintii ugu horaysay ee shaqada Liverpool uu la wareegay ayaa Jurgen Klopp lagu sawiray isaga oo booqday xarunta da’yarta Liverpool, waxayna calaamad u ahayd qaabka maamulkiisu ay ula dhaqmi doonaan kooxaha kala hooseeya ee da’yarta Liverpool. Klopp ayaa soo daawaday maalintii shaqada Liverpool ugu horaysay kooxda da’yarta Liverpool ee U18 oo ku ciyaarayay xarunta Kirkby oo 5 mile u jirta xarunta tababarka kooxda kowaad ee Melwood.

Liverpool manager Jurgen Klopp (second left) at the Reds' Academy in Kirkby last year

Klopp oo ah tababare jecel in uu ciyaartoyda da’yarta ah fursad siiyo isla markaana dhiiro galiye wayn u ah ayaa tan iyo markii uu Liverpool la wareegay kooxda kowaad fursad ka siiyay ciyaartoy wuxuuna sidoo kale sameeyay qorshe ay ciyaartoyda kowaad kowaad ku booqdaan carruurta ku jirta xarumaha da’yarta Liverpool iyada la xusuusto Philippe Coutinho, Mario Balotelli iyo Joe Allen ay carruurta kala qayb galeen xarumahooda tababarka.

Philippe Coutinho (left) and former players Mario Balotelli and Joe Allen at an Academy Day

Ciyaartoyda da’yarta ee Liverpool ayaa ogaaday in ay haystaan tababare kooxda kowaad jooga oo niyad fiican u haya in ay horumar sameeyaan isla markaana ay fursad ka heli doonaan marka ay u qalmaan. Klopp ayaa kulamada tartamada maxaliga ah fursad siiya ciyaartoyda da’yarta ah taas oo qayb wayn ku leh horumarka ay samaynayaan.Sportsmail's Jamie Carragher (right) with Liverpool icon John Aldridge at an Under 21 game

Ben Woodburn ayaa noqday ciyaartoygii da’yarta ahaa ee ugu danbeeyay ee uu Klopp fursad siiyay kaas oo kulankiisii ugu horeeyay ku noqday ciyaartoygii abid ugu da’da yaraa ee Liverpool kowaada kowaad gool rasmi ah uga dhaliyay wuxuuna jabiyay rekoodhkii Owen iyada oo Ben Woodburn uu kulankii Leeds gool dhaliyay isaga oo jiray 17 sano iyo 45 maalmood.

Woodburn looked ecstatic after he scored the second goal of the game in the 81st minute

Waxa kale oo jira saddex ciyaartoy oo da’yar ah oo la filayo in ay noqon doonaan kuwa uu Klopp fursad siin doono waxayna kala yihiin Brooks Lennon oo ah gool dhaliye u dhashay USA isla markaana ka tirsan kooxda Liverpool ee U23, Matty Virtue oo khadka dhexe ah isla markaana saddexley ka dhaliyay kulankii Liverpool U23 ee Burnley iyo Toni Gomes oo isna ka tirsan isla kooxda Liverpool U23.

The jubilant forward celebrates in front of the Kop after making history for his  club

Ciyaartoyda xarunta da’yarta Liverpool ka soo baxay ee uu Klopp horumarka wayn ku sameeyay ayay ka mid yihiin Trent Alexander-Arnold oo kulankii Leeds United gool caawiye ka noqday goolkii furitaanka ee Origi uu dhaliyay, waxaa sidoo kale ka mid ah Steward oo la filayo in uu mustaqbalka dhaw ka mid noqon karo xidigaha muhiimka ah. Halka haddaba la arkay tayada cajiibka ah ee uu Klopp ka soo saaray  Ovie Ejaria.

Alexander-Arnold celebrates with 17-year-old Ben Woodburn after the final whistle

Klopp ayaa doonaya in xarumaha da’yarta kooxdiisu ay la hanaan noqdaan kooxda kowaad si ay si deg deg ah horumar uga samayn karaan kooxda kowaad marka ay fursad u helaan wuxuuna sameeyaa booqashooyin isaga oo dhiiro galin u sameeya ciyaartoyda da’yarta ah.

Like it? Share it!

Leave A Response