WARBIXIN: Juventus Oo Xiddig 100 Malyan Lagu Qiimeeyo Ka Qeybgalin Doonta Dalabka Ay Dib Ugu Raadineyso Paul Pogba.

Juventus ayaa diyaar u ah iney mar kale dib ugu soo celiso magaalada Turin xiddiga reer France Paul Pogba, waxeyna ku fakareysaa qorshe ay dhinaca kale ugu direyso wiilka dahabiga ah ee reer Argentina Paulo Dybala.

Wargeyska Mirror cadadkiisii maanta oo Axad ah ayaa lagu daabacay in kooxda difaacaneysa horyaalka talyaaniga kaas oo ay laba sano ka hor u ogolaadeen inuu adduun dhan 89 Malyan oo Pound ugu wareego kooxdiisii hore Red Devils.

Sida warbixinta lagu sheegay Bianconerri waxey dooneysaa in Pualo Dybala oo lagu qiimeeyo adduun dhan 100 Malyan oo Pound ay ka qeyb galiso dalabka ay ku dooneyso Pogba oo isna lagu qiimeeyo adduun dhan 150 Malyan oo Pound.

24-jirka heerka caalami ee horay ugu soo ciyaaray Palermo wuxuu ku fashilmay inuu ilaashado booskiisa shaxda tababare Massimiliano Allegri tan iyo markii uu soo gaaray kooxda Ronaldo oo adduun dhan 100 Malyan oo Yuuro ku yimid Juventus Allianz.

Dybala qudhiisa wuxuu ku fakarayaa inuu bisha January isaga baxo magaalada Turin, sidoo kalana United waxey isku dayeysaa iney xiddigeeda ceshato maadaama ay isku dhaceen Jose Mourinho intii lagu jiray fasalkii lasoo dhaafay.

Dhinaca kale Paulo Dybala wuxuu gacan haatin ka helayaa kooxaha reer Spain ee Barcelona & Real Madrid kuwaas oo si aan caadi aheyn xiiso ugu haaya, balse go’aanka uu qaadan doono waa la sugi doonaa ilaa laga gaarayo marxaladaha dambe.

Pogba oo koobka Adduunka ku guuleystay ayaa diiday inuu xaqiijiyo inuu doonayo sii joogitaanka Old Trafford, waxaa sidoo kale jirtay in wakiilkiisa uu isku dayay intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda inuu ka rido kooxo kale oo yurub ah balse ma suuragalin.

Juventus waxey wali aaminsan tahay in Paul Pogba uu wali niyadda ku hayo garoonkii uu hanaankiisii ugu fiicnaa waayahiisa ciyaaraha kusoo bandhigay, sidaas darteedna ay tallaabo u qaadi doonaan.

Intaas waxaa sii dheer in Man United ay dooneyso iney Paulo Dybala ku xoojiso weerarkeeda aadka looga deyriyo markey noqoto hanaan u shaqeyntiisa iyo ka mira-dhalinta natiijada kooxda.