Warbixin: Jose Mourinho Oo Si Faahfaahsan Uga Hadlay Mustaqbalka Paul Pogba Iyo In Uu Tegitaan Ka Dalbaday Iyo In Kale

Jose Mourinho ma aaminsana in Paul Pogba doonayo ka tegidda Manchester United maadama khadka dhexe waligii codsan  bixitaan.

Waxaa jira warar sheegaya in Barcelona ay dooneyso xiddigga halka uu Pogba doonayo in uu tago bisha Janaayo.

Laacibka reer France waxa uu dab ku sii shiday wararka ku saabsan mustaqbalkiisa markii uu meesha ka saari waayey in uu tegi karo bisha Janaayo.

Hase ahaatee, Mourinho ma laha sabab uu u aamino in Pogba doonayo ka tagidda Old Trafford.

“Paul waxa uu ka soo laabtay Koobka Aduunka kahor inta uusan Premier League bilaaan,” ayuu u sheegay wariyeyaasha.

“Laba bilood ayaan ilaa hadda wada joognaa. Iima sheegin in uu doonayo in uu tago. Waligii iima sheegi. Waligii iima sheegin In uu rabo tagitaan.

“Kaliya waxaan ka hadli karaa waxa runta ii ah, ma aha waxa aan aqriyey, ma aha waxa aan dhageystay. Xiriir lama lihi dadka wax qora ama dhageysta. Waxaan xiriir la leeyahay ciyaaryahan, ma aha kaliya Paul – ciyaaryahanada. Waligiisna iima sheegin in uu doonayo ka tagitaan.

“Haddii uusan ii sheegin in uu doonayo  tagitaan, waxaa saba u ah in uu doonayo joogitaan. Taas waa gunaanadkeyga, maya miyaa?