Warbixin: Jose Mourinho Oo Heshiis Afka Ah La Gaaray Mid Ka Mid Ah Xidigaha Ugu Muhiimsan Paris Saint Germain

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Apr 19, 2017

Man United ayaa la dareensan yahay iney xagaaga soo aadan si fiican suuqa u gali doonto iyadoo Jose Mourinho uu sameyn doono suuqgal baahsan si uu kooxdiisa u xoojiyo isla markaana uu ugu tartamo hanashada Premier League.

Sida ay soo warinayaan warbaahinta faransiiska, daafaca midig ee kooxda Paris Saint Germain Serge Aurier ayaa heshiis afka ah la gaaray Manchester United kadib markii ay wada hadleen tababare Jose Mourinho.

Joe wuxuu aaminsan yahay in mushkiladda daafaca midig ee kooxdiisa uu xalin karo Serge Aurier, madama Valencia uu yahay 31-jir sidoo kalana uu si joogto ah u tartami karin.

24-jirkaan heerka caalami ee qaranka Ivory Coast wuxuu ogolaaday inuu xagaagan kusoo biiro Old Trafford sida laga soo xigtay jariiradda L’Equipe.

Si kastaba Manchester United caqabad weyn ayaa soo wajahi karta madaama Aurirer uu ka ganaaxan yahay inuu yimaado UK kadib shaqaadadii xabsiga uu ku mutay ee uu ka sameeyay Paris.

Dhanka kale Serge Aurier wuxuu lamaan la noqon doonaa saxiibkiisa qaranka Ivory Coast Eric Bailly kaas oo ku sugan Manchester United.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments