WARBIXIN: Guardiola Oo Imtixaankii Ugu Adkaa Maya, Cristiano Ronaldo Oo Goolkii 100 Aad Ee Champions Leaque-ga Diirada Ku Haya Iyo Shan Arimood Oo Champions Leaque-ga Si Gaar Ah Looga Eegi Doono

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Oct 18, 2016

Kadib laba todobaad oo lagu soo caajisay kulamadii qaramada aduunka ee isreeb reebka koobka aduunka 2018 loogu soo baxayay waxaa todobaadkan lagu bilawgiisii lagu ilaaway kulamadii horyaalada Yurub ee sida xiisaha badan u soo laabtay laakiin markale waxaa diirada loo leexiyay tartanka aduunka ugu xamaasada badan ee Champions Leaque-ga oo garoomada Yurub caawa iyo habeen danbe laga ciyaari doono.

Kulamada ugu xiisaha badan ayaa la ciyaari doonaa arbacada iyada oo markale ay kooxaha Yurub iskaga hor iman doonaan kulamda saddexaad ee heerka Groupyada Champions Leaque-ga. Kooxaha ayaa u tartamaya sidii ay ugu soo bixi lahaayeen wareega 16 ka kooxood iyada oo Group kasta labda kooxood ee ugu sareeyaa ay tigidhka uu goosan doonaan wareega 16 ka kooxood.

Kooxaha kaalmaha saddexaad kaga dhamaysta groupyadooda ayaa ku biiri doona tartanka labaad ee Europa Leaque-ga. Haddaba waxaanu halkan ku eegaynaa shan arimood oo tahay in ila gaar ah lagu fiiriyo ee kulamada Champions Leaque-ga ee caawa iyo habeen danbe. Halkan ayaanad kaga bogan kartaa qodobadan.

1- Guardiola Oo Ay Soo Dhawayn Adagi Ku Sugayso Camp Nou Oo Koob Kasta Kaga Soo Guulaystay:

Tababare Pep Guardiola ayaa markii labaad dib ugu laaban doono Camp Nou isaga oo cadaw u ah kooxdiisii h--e ee Barcelona, laakiin cadawtinimada Guardiola ee Barcelona ayaa ku koobnaan doonta 90 ka daqiiqo ee garoonka lagu jiro, waana waqtiga ugu adag ee uu kursiga kaydka Camp Nou soo fadhaysan doono isaga oo ah macalinka Sky Blues.

Manchester City boss Pep Guardiola aims a playful kick at Kevin De Bruyne during training

Guardiola ayaa h--e Camp Nou guuldaro xanuun badan kala kulmay markii uu Bayern Munich watay iyada oo Lionel Messi uu laba gool ku kala dhantaalay kooxdii Bavaria ee Guardiola. Laakiin Bayern Munich ayaa markaas loo arkayay halista ugu wayn ee Champions Leaque-ga basle waxa uu markan Guardiola Camp Nou ula safrayaa kooxdiisa cusub ee Manchester City oo ay wali qabyo wayni ka muuqato.

 

Manchester City ayaa rekoodh aad u liita ka haysata Barcelona waxayna si joogto ah guuldaro ugala kulmaysay kooxdda Camp Nou ka dhisan, waxaana lays waydiinayaa dhaqankii guuldarada Manchester City ee kulamada Barcelona tababare Guardiola wax ma ka badali doonaa?. Guardiola ayaa taageero wayn u ah Lionel Messi wuxuuna h--e ugu soo raaxaystay isaga oo kooxo badan xasuuqaya basle markan kuma raaxaysan doono marka ay Messi kubbadu lugtiisa soo gasho.

Guardiola ayaa si uu Barcelona u soo garaaco u baahan in uu marka h--e xal u raadiyo MSN isla markaana ay safka weerarka kooxdiisu xal u helaan si ay goolal ugu dhalin karaa Camp Nou. Manchester City ayaa h--e dhibaato ugu soo noqotay in ay marti iyo Minan iskaga celiyo Barcelona.

2-Cristiano Ronaldo Ayaa Albaabka U Garaacaya In Uu Gaadho Goolkiisii 100 Aad Ee Champions Leaque-ga.

Cristiano Ronaldo was in cheerful mood as Madrid took to training on Monday morning

Cristiano Ronaldo ayaa caawa ka hor imanaya kooxda  Legia Warsaw kulanka Santiago Bernabue ka dhici doona wuxuuna qarka u saaran yahay in uu gaadho qarni goolasha Champions Leaque-ga ah. Ronaldo ayaan ka daalin in uu jabiyo ama dhigo rekoodho, wuxuuna caawa diirada ku hayaa in uu noqodo ciyaartoygii ugu horeeyay ee qarni goolasha Champions Leauqe-ga ah gaadha.

The Portuguese international shared a joke with team-mates on the training pitch The 31-year-old scored in Real's last outing against Real Betis

Inkasta oo aanu xili ciyaareedkan ku jirin qaab ciyaareedkii looga bartay, haddana Ronaldo ayaa awooday in uu min hal gool ka soo dhaliyay labadii kulan ee uu xili ciyaareedkan u saftay kooxdiisa Madrid isaga oo waliba kulankii Bernabeu ee Sporting Lisbon kooxdiisa ku badbaadiyay goolkii uu dhaliyay daqiiqadii 89 aad ay Madrid ciyaarta dib ugu soo laabtay.

Ronaldo grins in training as Real Madrid prepare for the visit of Legia Warsaw on Tuesday

Si u Ronaldo caawa u gaadho goolkiisa 100 aad ee Champions Leaque-ga waxa uu u baahan yahay in uu laba gool ka dhaliyo kooxda Legia Warsaw, haddii ayna taasi dhici waxa uu sugi doonaa kulan kale. Ronaldo ayaa 98 gool ka soo dhaliyay Champions Leaque-ga. Waxaana si gaar ah loo eegi doonaa haddii uu Ronaldo caawa labadan gool ku heli doono jamaahiirta Bernabeu hortooda.

3- Napoli Waxay Ka Dul Ooyaysaa Xidiga Kooxdeeda Ee Arkadiusz Milik Lix Bilood Dhawac Ku Maqnaan Doona:

Napoli's Arkadiusz Milik scores his team's third goal from the penalty spot
Kooxda Napoli ayaa u murugaysan adeega saxiixa cusub ee Arkadiusz Milik kaas oo ay xagaagii dhawaa kula soo wareegtay 35 milyan oo euros wuxuuna badal toos ah u ahaa Gonzalo Higuain oo si muran ku jiro ugu biiray kooxda Juventus. Arkadiusz Milik ayaa markiiba galay quluubta jamaahiirta Napoli kadib markii kulankiisii ugu horeeyay laba gool ka dhaliyay AC Milan halka uu markale min laba gool ka dhaliyay kooxaha Dynamo Kiev iyo Bologna.
Xaqiiqdii wax sahlan ma aha in gool dhaliyaha kooxdaada ugu fiican oo baxay aad si sahlan badal ugu hesho laakiin Napoli ayaa markiiba ku faa’iiday Arkadiusz Milik kaas oo saddex kulan ka dhalyay lix gool, laakiin dhaawicii soo gaadhay oo uu muddo lix bilood ah la maqnaanayo ayaa Napoli ku noqtay laf dhuun gashay iyo waxaan la qaadan karin balse lagu qasban yahay.

4- Leicester City Waxay Awooda Saaraysaa Champions Leaque-ga Iyada Oo Ku Dhibtoonaysa Premier Leaque-ga.Leicester City manager Claudio Ranieri congratulates Islam Slimani after he is substituted

Kadib markii ay xili ciyaareedkii h--e Premier Leaque-ga ugu guulaystay si lama filaan ah isla markaana ay aduunka ka yaabsatay kooxda Leicester City ayaa xili ciyaareedkan ku dhibtoonaysa horyaalka ay koobkiisa difaacanayso ee Pl, laakiin waxay isku ilawsiin kartaa Champions Leaque-ga oo ay muhiimada ugu wayn siinayso.Riyad Mahrez
Claudio Ranieri ayaa sabtiidii daawanayay kooxdiisa oo ay Chelsea 3:0 si sahlan ugu dubatay laakiin waxa uu ku ilaawi karaa kulanka Champions Leaque-ga. Leicester City ayaa kulankii ugu horeeyay ee ay Champions Leaque-ga ka soo muuqato si cajiib ah ku soo garaacday kooxda  Club Brugge ka hor intii ayna King Power Stadium saddexda dhibcood kaga qaadan FC Porto iyada oo Islam Slimani uu laba gool dhaliyay.
Foxes ayaa labadii kulan ee a ciyaartay soo heshay dhibcihii ugu badnaa ee laga heli karayay waxaana la eegi doonaa waxa ayu ka samayso kulankeeda saddexaad waxayna la ciyaari doontaa kooxda FC Copenhagen laakiin kooxda ree Denmark ayaan wax guuldaro ah la soo kulmin 21 kii kulan ee ugu danbeeyay.

5-Kooxda Carlo Ancelotti Ee Bayern Munich Oo Tijaabo Adag Mari Doonta Iyada Oo Aan Soo Guulaysan Saddexdii Kulan Ee Ugu Danbeeyay:

Bayern Munich's coach Carlo Ancelotti before the match
Marka koox Bayern Munich oo kale ahi ayna saddex kulan oo xidhiidh ah wax guul ah gaadhin waxay ku jirtaa qalalaase iyo xaalad xun. Kooxda Carlo Ancelotti ayaa xili ciyaareedka ku bilaabtay iyada oo duulaysa laakiin guuldaradii ka soo gaadhay Ateltico Madrid iyo in ay guul ka gaadhi kari wayday kooxaha  Koln iyo Eintracht Frankfurt ayaa xaalada Bavaria ka dhigtay mid adag.
Kadib barbarihii ay Bayern Munich la gashay kooxda Eintracht Frankfurt ayuu Ancelotti qirtay in ayna kooxdiisu si fiican u ciyaarin isla markaana ay si xun u fikirayeen wuxuuna sheegay in ay seexdeen qaybtii h--e ee kulankaas oo ku dhamaaday babraro 2:2 ahaa.
Xidigaha Bayern Munich ee David Alaba, Jerome Boateng, Kingsley Coman, Thiago iyo Douglas Costa oo qaab ciyaareed cajiib ah ku raaxaysanayay markii uu Guardiola joogay ayaa u muuqda kuwo aan wali la qabsan hanaanka ciyaareed ee Ancelotti halka Joshua Kimmich uu yahay xidiga ugu fiican Bayern Munich ee isku muujiyay intii uu Ancelotti joogay kaas oo bishii 6 gool dhaliyay laga soo bilaabo bishii September. Bayern Munich ayaa isha lagu hayn doonaa kulanka PSV Eindhoven.
Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. cabdullahi 18-10-2016 at 5:59 pm - Reply

    barce ayaa ku guuleysaneyso champions league

Leave A Response