WARBIXIN: Go’aan Ka Gaadhista Xaalda Wayne Rooney Iyo Shan Arimood Oo Hor Yaala Tababare Gareth Southgate Kadib Markii Si Rasmi Ah Loogu Magacaabay Shaqada Xulka Qaranka England

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Nov 30, 2016

Gareth Southgate ayaa noqday tababaraha rasmiga ah ee xulka qaranka England kadib markii uu isku muujiyay afartii kulan ee uu soo maamulay Three Lions oo aanu wax guuldaro ah soo arkin. Kadib markii uu horumar wayn ka sameeyay kooxda Englnad U23 ayaa loo soo dalacsiiyay kooxda kowaad ee xulka qaranka England dhamaadki bishii September si uu Sam Allardyce oo shaqada musuq maasuq looga caydhiyay uu badalo.

Haddaba maxay yihiin arimaha muhiimka ah ee ay tahay in Gareth Southgate uu wax ka qabto kadib markii uu shaqada ku gulaystay? Xaalada Wayne Rooney iyo shan arimood oo muhiim ah oo ay tahay in Southgate uu wax ka qabto ayaanu halkan idiinu soo gudbinaynaa.The 46-year-old has been in interim charge since replacing Sam Allardyce in September

XALINTA XAALADA WAYNE ROONEY:

Kabtanka England ayuu sanadkani u yahay mid dhibaato ah, waxa uu isku arkay isaga oo faadhiya kursiga kaydka Manchester United iyo England balse waxaa xaaladiisa uga sii daray markii ay soo baxeen sawiro uu khamri si waali ah uga dhergay isla markaana uu awoodi waayay in u istaago isaga oo xaflad aroos uu waagu ugu baryay.

Wayne Rooney in action during the World Cup 2018 qualififier against Scotland

Fadeexada Wayne Rooney ayaa gilgisahay FA-ga iyo xulka qaranka England wuxuuna Gareth Southgate u baahan yahay in uu xaliyo xaalada qaab ciyaareed ee Rooney iyo waliba hab dhaqankiisa. Inkasta oo uu Rooney raali galin ka bixiyay dhacdadii foosha xumayd ee lagu sawiray, haddana arintan ayaa sabab u noqon karta in uu waayo kabtanimoada xulka qaranka England.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Southgate aanu Wayne Rooney u soo xulan doonin kulamada caalamiga ah ee soo socda ee la ciyaari doono bisha March taas oo halis galin karta mustaqbalka Rooney ee Three Lions. Qaab ciyaareedka Rooney ayaa sidoo kale hoos udhacay taas oo Southgate ku qasbi karta in uu ciyaartoy kale fursad siiyo.

XALINTA QAAB CIYAAREEDKA HOHN STONES:

John Stones holds off pressure from Alfred Effiong

Gareth Southgate ayaa saxaafada horteeda ka qirtay sida uu u jecel yahay hanaanka ciyaareed ee difaaca Manchester City iyo xulka qarankiisa England ee John Stones, laakiin go’aan qaadashada Stones ee kulamadii uu Englnad u ciyaaray iyo qaladaadka uu sameeyay ayaa Southate u ah shaqo guri oo ay tahay in uu xal u raadiyo.

XULASHADA GOOL DHALIYAAL KU HABOON:Harry Kane has worked with Gareth Southgate with England U21s

Xulka qaranka England ayaa shan gool dhaliyay labadii kulan ee ugu danbeeyay taas oo muujinaysa in Three Lions ayna dhibaato ka haysan dhinaca weerarka laakiin Southgate ayaa u baahan in uu sameeyo doorasho ku haboon ee gool dhaliyaasha uu soo xulano iyada oo Jamie Vardy, Harry Kane iyo Daniel Sturridge ay hogaaminayaan weerarka dhexe ee Three Lions isla markaana uu da’yarka Marcus Rashford uu fursad raadinayo.Marcus Rashford (9) scored for England against Australia in May

Harry Kane ayaa doorashada kowaad ahaa 12 kii bilood ee ugu danbeeyay halka Sturridge, Vardy iyo Rashford ay qayb ka ahaayeen weerarka Three Lions. Iyada oo uu soo dhawaanayo tartanka koobka aduunka ee 2018 isla markaana ay England sii wadan doonto isreeb reebka koobka aduunka ayuu Southgate u baahan yahay in uu soo xusho gool dhaliyaasha uu guulo ku gaadhi karo.

JOOGTAYNTA QAAB CIYAAREEDKA XULKA QARANKIISA:Gareth Southgate speaks with Michail Antonio during an England training session at St George's Park

Southgate ayaa daawanayay xulka qarankiisa England oo dhamaadkii kulanki Wembely Stadium 2:0 ku hogaaminayay xulka qaranka Spain, laakiin daqiiqadihii ugu danbeeyay ayay England burburtay waxayna Spain u ugolaatay in ay laba gool oo deg deg ah kula timaado barbaraha aan marii h--e u muuqan in uu suurtogal ahaa, waxayna ahayd arin xanuun badan ku abuurtay Southgate wuxuuna u baahan yahay in uu joogteeyo qaab ciyaareedka xulka qarankiisa England.

DIYAARINTA QORSHIHII GUUSHA:

Southgate said he is 'extremely proud' to land the job having enjoyed working with the players

Xulka qaranka England ayaa muddo dheer ku soo dhibtoonayay tartamadii waa waynaa ee ay ka qayb galeen, waxaana ugu danbeeyay Euro 2016 oo ay Three Lions waji gabax wayn kala soo kulmeen taas oo keentay in Roy Hodgson uu shaqada iskaga tago. Southgate ayaa u baahan in uu diyaariyo qorshihihii uu xulka qarankiisa kaga saari lahaa fashilka tartamada waa wayn iyada oo tartanka ugu wayn ee lagu tijaabin doonaa uu noqon doono koobka aduunka 2018.

Like it? Share it!

Leave A Response