WARBIXIN: Dhaawacyada Ay Qabto Real Madrid Iyo Shaxda Macquulka Ah Ee Ay Kala Hortagi Karaan Barcelona Kulanka El Clasico.

by Saed Balaleti | Thursday, Dec 1, 2016

Real Madrid ayaan weli laga badinin xilli ciyaareedkan. Kooxda Zinedine Zidane waxa ay hogaanka u hayaan horyaalka la Liga, waxaana ay ugu diyaargaroobeen kulanak ay safrayaan Sabtida guul 6-1 oo ay gurigooda kaga gaareen kooxda Cultural Leonesa iyagoo xalayto u soo baxay wareega 16ka Copa del Rey.

Madrid lix dhibcood ayay hogaanka kaga heysaa Barcelona ka hor kulanka El Clasico ee Camp Nou, shabakada Goal ayaa qorto warbixin ay ku eegeyso sida ay isagu diyaarinayaan kulanka lawada sugayo Sabtida.

pepe-cristiano-ronaldo-real-madrid-sporting-gijon-la-liga-26112016_1xc6299aiih0n1ckqj7768oxm6

DHAAWACYADA REAL MADRID

Real Madrid waxaa ka maqnaan doona Gareth Bale ka dib markii xiddiga reer Wales uu dhaawac canqowga ah soo gaaray kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Sporting Lisbon koobka Champions League isbuucii la soo dhaafay, waxaana uu qaliin ku maray London maalintii Talaadada aheyd.

Toni Kroos ayaa sidoo kale dhaawac kaga maqan halka Fabio Coentrao uu u muuqdo mid seegaya iyadoo Danilo uu taam ahaanshihiisa kulanka Camp Nou uu shaki ku jiro.

Warka u wanaagsan Zidane ayaa ah in Casemiro uu soo laabtay isagoo xalayto ka qeyb qaatay kulankii Copa del Rey, waxaana la filayaa inuu qeyb ka ciyaaro kulanka El Clasico ee Sabtida.

GANAAXYADA REAL MADRID

Inkastoo ay dhaawacyo qabaan, Real Madrid ciyaaryahan kama ganaaxna ka hor kulanka El Clasico ee Camp Nou.

real-madrid-clasico-possible_r1c1l8pi5v211hsr5m3uoeyzz

SHAXDA MACQUULKA AH EE REAL MADRID

Iyadoo Gareth Bale uu dhaawac ku maqan yahay, waxa ay badan tahay in Zinedine Zidane uu weydiisan doono Lucas Vazquez inuu buuxiyo booska weerarka midig ee Real Madrid iyadoo xiddiga garabka ka ciyaara ay u badan tahay in khadka dhexe loo soo celin doono si ay u ciyaaraan shax ciyaareedka 4-4-2 marka ay Barcelona kubada heysato.

Iyadoo Pepe uu kaliya dhawaan dhaawac ka soo laabtay, waxa ay u muuqataa in Raphael Varane uu wadnaha khadka dhexe ka garab ciyaari doono kabtan Sergio Ramos, halka Dani Carvajal uu ku soo bilaaban doono garabka midig ee daafaca.

Khadka dhexe, Casemiro ayaa mar kale diyaar ah isagoo dhaawac ka soo laabtay xalayto. Si kastaba, muddo dheer uu dhaawac ku maqnaa waxa ay ka dhigan tahay inuu kursiga keydka ku soo bilaaban doono iyadoo la filayo in Mateo Kovacic uu ka garab ciyaaro Luka Modric iyo Isco.

Real Madrid (4-3-3): Keylor Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Modric, Isco, Kovacic; Ronaldo, Benzema, Vazquez.

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. Real madrid 01-12-2016 at 11:44 am - Reply

    Hadaba sida shaxdu maahe waa siday goal jeceshahy shaxdu waa navas,carvajal,pepe,ramos,marcelo,casemiro,modric,isco,vasquez,benzema,cr7 wa sida shaxdu goal shax xumaa lagu cadabaya

Leave A Response