WARBIXIN: Dhaawacyada Ay Qabto Barcelona Iyo Shaxda Macquulka Ah Ee Ay Kala Hortagi Karaan Real Madrid Kulanka El Clasico.

by Saed Balaleti | Thursday, Dec 1, 2016

Waxaa soo dhawaaday waqtigii la sugayay. Iyadoo kulankoodii Copa del Rey ee kooxda Hercules uu wadada ka baxay, Barcelona waxa ay haatan tamartooda isagu geynayaan isku diyaarinta kulanka ay Sabtida soo dhaweynayaan kooxda Real Madrid.

Barcelona waxa ay lix dhibcood ka danbeysaa kooxda hogaanka heysa ee Real Madrid ka dib 13 kulan oo la ciyaaray horyaalka La Liga, sidaasi darteed kulanka El Clasico ee Camp Nou ayaa waxa uu muhim weyn u yahay kooxda Luis Enrique kuwaasoo barbaro galay labadii kulan ee ugu danbeysay horyaalka iyo weliba kulankii xalayto ee Copa del Rey.

Hadaba shabakada Goal ayaa warbixin ka qortay sida ay Barcelona isagu diyaarineyso kulankaan.

lionel-messi-jordi-alba-real-sociedad-barcelona-la-liga-27112016_1clrwfzwr41l51buieoy9uqr74

DHAAWACYADA BARCELONA

Barcelona dhaawacyo yaryar ayay qabaan haatan, laakiin kaliya Jeremy Mathieu ayaa la hubaa inuu dhaawac ku seegi doono kulanka El Clasico, iyadoo Jordi Alba, Andres Iniesta iyo Samuel Umtiti la filayo dhamaantood inay diyaar u noqdaan inay ciyaaraan kulanka Real Madrid.

Umtiti ayaa ku soo laabtay garoomada kulankii xalayto ee Copa del Rey, halka Iniesta uu tababarka ku soo laabtay maalmihii u danbeysay ka dib dhaawacii jilibka ee soo gaaray dhamaadkii bishii October waxaana la filayaa inuu ka qeyb qaato kulanka Sabtida.

Jordi Alba oo dhaawacmay kulankii Axada ee Real Sociedad ayaa shaki uu ku jiraa taam ahaanshihiisa isagoo dhaawacyo ka qaba canqowga iyo jilibka. Si kastaba, Barcelona ayaa niyadsami ka qabta inuu diyaar u ahaan doono kulanka El Clasico.

AYAA GANAAX KAGA MAQAN BARCELONA?

Ma jiraan ciyaartoy ganaax kaga maqan Barcelona kulanka El Clasico ee Camp Nou.

barcelona-clasico-xi_t6qztsysjj021mxmgvc3nq99f

SHAXDA MACQUULKA AH EE BARCELONA AY KALA HORTAGI KARTO REAL MADRID.

Tababaraha Barcelona Luis Enrique ayaa doonaya inuu soo xusho shaxdiisa ugu adag kulanka Madrid laakiin Andres Iniesta ayay u badan tahay inuu kursiga keydka ku soo bilowdo ka dib in ka badan shan isbuuc uu la maqnaa dhaawac. Waxa ay taasi la micno tahay in Andre Gomes uu ku soo bilaaban doono.

Dhanka daafaca, Samuel Umtiti ayaa isna la filayaa inuu kursiga keydka ku soo bilowdo. Sidaasi darteed Javier Mascherano ayaa ka garab ciyaari doona Gerard Pique, iyadoo Jordi Alba uu daafaca garab bidix ku soo bilaaban doono haddii uu taam buuxda noqdo, haddii kale Lucas Digne ayaa ciyaari doona.

Inta kale ee kooxda waa sidii la filayay, Marc-Andre ter Stegen oo goolka ku jira, Sergi Roberto oo daafac midig ah, Serguo Busquets iyo Ivan Rakitic oo khadka dhexe iyo MSN oo weerarka ah.

Barcelona (4-3-3): Ter Stegen; Jordi Alba, Mascherano, Pique, Sergi Roberto; Busquets, Rakitic, Gomes; Neymar, Lionel Messi, Luis Suarez.

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. Yacquub 01-12-2016 at 12:28 pm - Reply

    Absolutely Barcelona Viva Lions World

Leave A Response