WARBIXIN: Cristiano Ronaldo Oo Kulankii Celta Vigo La Wareegay Laba Rekoodh Oo Ay Kala Haysteen Luis Figo & Jimmy Greaves Iyo Xogtan Oo Dhamaystiran.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, May 18, 2017

Cristiano Ronaldo ayaa markale sameeyay bandhig fiican si uu kooxdiisa Real Madrid ugu horseedo guul muhiim ah waxayna taabasho u jiraan in ay koobka La Ligaha ku guulaystaan markii ugu horaysay tan iyo sanadkii 2012 kii. Kadib markii uu kulankii Sevilla laba gool soo dhaliyay ayuu markale xidiga ree Portugal laba gool oo kale raacsaday kulankii Celta Vigo iyada oo Los Blancos addex dhibcood ku qabtay hogaanka La Ligaha isla markaana hal dhibic uga baahan kulanka maalinta ugu danbaysa La Liga-ha ee Malaga.

Laakiin guushan ay Real Madrid soo gaadhay iyo goolasha uu Ronaldo dhaliyay ayaa sarre u qaaday rekoodho uu xidiga ree Portugal doonayay in uu gaadho. Kadib markii uu kulankii Bernabeu ee Sevilla uu labda gool ka dhaliyay ayay Ronaldo u ahayd guushiisii 199 aad ee La Ligaha wuxuuna la mid ahaa halyaygii xulka qarankiisa Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Luis Figo kaas oo isna Madrid la soo guulaystay 199 kulan oo La Ligaha, sidaa daraadeed Ronaldo ayaa kulankii Celta Vigo gaadhay guushiisii 200 aad ee La Ligaha si uu Luis Figo rekoodhkiisii u dhaafo.

Sidaa daraadeed Ronaldo ayaa noqday xidigii ugu horeeyay ee ree Portugal ah oo Real Madrid la gaadhay 200 guulood oo La Ligaha amaba rekoodhkan ku gaadhay koox ka ciyaarta horyaalka Spain. Wuxuuna sidaa Ronaldo ku noqday ciyaartoygii abid ugu guulaha badnaa kulamada La Ligaha dalkiisa Portugal. Ronaldo ayaa soo ciyaaray 264 kulan wuxuuna Madrid la soo guulaystay 200 kulan oo La Liga-ha ah.

Laakiin dhinaca taariikhda Real Madrid ee kulamada ugu badan ee ay ciyaartoy la soo guulaysatay waxa uu Ronaldo noqday ciyaartoyga 8 aad waxaana ka horeeya 7 ciyaartoy oo kulamada ugu badan ee La Ligaha la soo guulaystay Real Madrid. Marcelo oo kaliya ayaa ciyaartoyda hadda ka tirsan Real Madrid guulaha ugu badan kaga sareeya Ronaldo.

Halkan kaga bogo ciyaartoyda kulamada ugu badan ee La Ligaha guulaha la soo gaadhay Los Blancos:

1- Iker Casillas: 334 guulood

2- Raul Gonzalez:  327 guulood

3- Sanchis: 312 guulood

4- Gento: 283 guul

5- Santillana: 262 guul

6- Marcelo: 212 guulood

7- Roberto Carlos: 211 guulood

8- Cristiano Ronaldo: 200 guulood

Laakiin haddii si gaar ah loo eego ciyaartoyda aan u dhalan Spain ee guulaha ugu badan Real Madrid kala soo gaadhay horyaalka Spain waxaa Ronaldo ka horeeya Marcelo (212) iyo Roberto Carlos (211) halka ciyaartoyda kale ee ku jirta liiska aan soo sheegnay ay ahaayeen xidigo ree Spain oo Madrid guulaha ugu badan la soo gaadhay.

Luis Figo ayaa rekoodhkiisii u waayay Ronaldo iyada oo halyaygii ree Portugal uu ahaa xidigii dalkiisa ku matalayay rekoodhkan waqti dheer wuxuuna soo guulaystay 199 kulan oo La Ligaha balse uu la soo kala gaadhay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid. Figo ayaa 102 kulan oo La Liga ah la soo guulaystay Barcelona halka 97 kulan uu guula la soo gaadhay Real Madrid si ay isku dar u noqdaan 199 balse hadda Ronaldo ayaa dhaafay oo gaadhay 200 guulood oo La Ligaha ah.

Dhinaca kale Ronaldo ayaa kulankii Celta Vigo ku noqday xidiga taariikhda shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn goolasha ugu badan ka dhaliyay waxaana rekoodhkan waqti dheer soo haystay halyaygii Tottenham ee Jimmy Greaves kaas oo 366 gool ku haystay balse Ronaldo ayaa hadda yeeshay 368 gool waxaana kaalinta saddexaad ku jira halyaygii Bayern Munich ee Gerard Muller oo haysta 365 gool.

Halkan Kaga Bogo Xogta Lixda Xidig Ee Abid Goolasha Ugu Badan Ka Soo Dhaliyay Shanta Horyaal Ee Yurub Ugu Waa Wayn iyo Waliba Mid kastaaba heerka Gool Dhalintiisu inta uu aha Kulankiiba:

Ronaldo ayaa kubbada cagta ku soo jiray tan iyo sanadkii 2003 wuxuna gool dhalintan ku haystaa 368 gool inkasta oo sawirkani uu hal gool ka dhiman yahay wuxuuna kulankiiba soo dhalinayay celcelis ahaan 0.8 gool halka ninka uu rekoodhkan kala wareegay ee Jimmy Greaves uu rekoodhkan ku haystay 366 gool oo uu ku soo gaadhay 529 kulan wuxuuna celcelis ahaan kulankiiba soo dhalinayay 0.69 gool.

Laakiin liiskan waxaa ugu heer gool dhalin fiican Lionel Messi oo kulankiiba soo dhaliyay 0.91 gool isla markaana 381 kulan oo kaliya ku soo dhaliyay 347 gool laakiin xidiga ree Argentina ayaa kubbada cagta heerka kowaad ku soo jiray tan iyo 2004 wuxuuna sanad ka danbeeyay Ronaldo taas oo la micno ah in sanad kadib uu ka gool sarayn karo heerka uu Ronaldo hadda soo gaadhay marka loo eego celcelis ahaanta kulankiiba goolasha ay soo dhaliyeen.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments