Warbixin: Andres Iniesta, Gareth Bale Iyo Xidigaha Kale Ee Seegi Kara Kulanka Adag Ee El Classico Ee Sabtida

by Abdirahman Qoslaaye | Tuesday, Nov 29, 2016

Waxaan u sacabo tumeenaa kulanka uGu weyn ee dunida kubada cagta ee kooxeed ee sanadka, tartan kale oo adag geeso isku dhufsi ah ayaa dhexmari doono kooxaha La Liga ee Barcelona iyo Real Madrid, weydi taageero waliba oo labada kooxood ah, wuxuu ku dhihi doonaa “Kooxda naga soo horjeedo dhibaato ayeey ku jirtaa” laakin marka dhaawac uu yimaado, sida labada kooxba heysata haatan, tan ayaa ah macnaha dhabta ah ee “Dhibaato”.

Iska hor imaatinka labada koox oo ku hubeysan xidigahooda uGu fiican waa waxa uGu raaxada badan ee kubada looga raaxeysto sanadka, laakin iska hor imtaanka labada koox oo ku ciyaaraya xidigo ka tirsan kaliya Kooxda koowaad ayaa noqon karta musiibo.

Marka dhinacyada qaar laga fiiriyo,  xamaasada kulanka ayaa wali sida ah waxayna malaayiinta xiiseeya kubada cagta ah doonayaan in lamada daaliyo, si kasto, waxaan halkaan idiin ku soo gudbineenaa liiska xidigaha seegi kara kulanka El Clasico ee ka dhici doona Camp Nou saacada geeska afrika marka ay tahay 6:15 daqiiqo ee fiidnimo.

 DhaawacXaalada
Gareth BaleAnqow Kala Baxay Seegis
Toni KroosCag JabtaySeegis
Alvaro MorataDilaac SeedSeegis
Raphael VaraneLama ShaacinShaki
Fabio CoentraoMuruqShaki
DaniloLama ShaacinShaki

 

MagacaDhaawacaXaalada
Andres IniestaJilibkaShaki
Jordi AlbaJilib iyo Dilaac seedShaki
Jeremy MathieuMuruqShaki
Samuel UmtitiDilaac seedShaki
Arda TuranHargabShaki
Like it? Share it!

Leave A Response